Ruushka Oo Diiday In Uu Tarxiilo Diblomasiyiint Maraykan Ah Ee Dalkiisa Ku Sugan

(SL.Post) Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa gelinkii danbe ee Jimacihii shalay ku dhawaaqey in aanu dalka ka saareyn Diblomaasiyiinta Maraykanka, taas oo la filaayey in uu jawaab uga dhigaayo go’aankii Marayanku maali ka hor gaadhey ee 35 Diblomaasi oo Ruush ah loo qabtey72 saac in ay kaga baxaan Maraykanka.

 

vladimir_putin-6

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey go’ aanka Maraykanka, waxayna shalay jimcihii ku dhawaaqeen inay iyaguna dhankooda Tarxiilayaan 35 Diblumaasi oo Maraykan ah oo ku sugan Safaarada iyo Qunsuliyada ay ku leeyihiin Ruushka.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergei Lavrov oo maalintii shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin in Ruushka uu wax lug ah ku lahaa farogelinta doorashooyinkii ka dhacay dalka Maraykanka, arrintaasi oo uu sheegay inaan wax caddeyn ah loo heyn. Lavrov ayaa sheegay in talada ah Tarxiilada Diblumasiyiinta Maraykanka ay u gudbiyeen Madaxtooyada Mascow si uu ansixiyo Madaxweyne Putin.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka soo horjeestey codsiga Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, waxaana uu rajo ka qabaa marka uu xilka la wareego Trump in xidhiidhka labada dal si caadi ah ku soo noqdo.

Ma dooneynyno in aan dhibaateeyno Diblomaasiyiinka Maraykanka, mid kamid ahna ma tarxiileyno ayuu yidhi Putin.

Cunno qabateynta cusub iyo tarxilka Danjirayaasha aya timid kadib markii 17 hay’adood oo Maraykanku lee yahay oo ka shaqeeya arrimaha sirdoonka ay isku raaceen in Ruushku isku dayey in uu farogeliyo doorashada Maraykanka, oo ay masuul ka ahaayeen xogtii laga xadey Xisbiga Dimoqraadiga, ee loo gudbiyey Wikileaks.

Madaxweynaha la doortey ee Maraykanka Donald Trump ayey ku adkaan doontaa in uu ka noqdo go’aanka Madaxweynaha xilka ka degaayo gaarey maadaama go’aankan ay taageersan yihiin labada aqal ee Maraykanka oo uu ka doonaayo in ay meel mariyaan golihiisa wasiirada oo uu ku jiro Wasiirka uu u magacaabey Arrimaha Diabdda Mr. Rex Tillerson ee Putin horey u siiyey biladda saaxiibtimimada Ruushka.

 

Somalilandpost.net