Ruushka oo Dhoolas-tus Milatari oo Cajiib ah ku xusay 70-guurada Guushii uu ka gaadhay Dagaalkii labaad ee Adduunka (Daawo Sawirrada)

ruussMoscow (SLpost)- Dowladda Ruushka ayaa maanta u dabaal degtay 70-guuradii ka soo wareegatay guusha ay ka gaadheen dagaalkii labaad ee Adduunka oo Ciidamadii Midowgii Soofiyeeti kaga guulaysteen Ciidamadii  Naziga Jarmalka ee uu hoggaaminayey Adolf Hitler oo duullaan ku qaaday waddamada Yurub intooda badan.

Munaasibad ballaadhan oo xambaarsan dhoolatus milatari, ayaa lagu qabtay barxadda hore ee Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremelin-ka ee magaalada Moscow, halkaas oo lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee Hubka Ruushka iyo Ciidamadiisa, iyada oo sidoo kale ay ka qayb-galeen ciidamo ka socda qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

russisDabaal-deggan oo ahaa mid heerkiisa sareeyay ayaanay ka soo qeyb galin madaxda reer galbeedka, sababo ku aadan fara gelinta Ruushka ee Ukraine. Laakiin waxaa taa bedelkeed Ruushka ku casuumay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo xaaskiisa, waxaana dhoolatuska milateri markii u horeysay ka qeyb qaadanayay Askar ka socday dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dalka Kazakhstan oo mid ahaan jiray Midowgii Soofeeyi iyo Madaxweyneyaasha Venezeula iyo Zimbabwe, Nicolas Maduro iyo Robert Mugabe oo iyaga aanay isku wanaagsanayn reer Galbeedka.

Ruushka ayaa dhoolatuska milateri ku soo bandhigay gaadiidka xambaara hubka waa weyn iyo nooc cusub oo Taangi ah oo lagu magacaabo T-14 oo noociisa aan hore loo samaynin.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa tacsi iyo xushmo u diray halyeeyadii Midowgii Soofiyeeti oo Ruushku ka mid ahaa ee kaga geeriyooday dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana uu mar kale muujiyay doorka Ruushka ku leeyahay Caalamka.

Ruushka oo ah xoogga kaliya ee wakhtigan ka jooga Midowgii Soofeeyi, ayaa dagaalkii labaad ee Adduunka oo ay waddamo reer Galbeed ah iska xulafaysteen duulaankii Hitler oo markii dambe ay jabiyeen, waxa dagaalkaas kaga geeriyooday malaayiin qof oo isugu jiray Shacab iyo Milatari.

DAAWO SAWIRRADA

ruuusruuurussia rushii rushhs rush2 rush rus lol buli