Ruushka Oo Cambaareeyey Dawlada Ku Meel Gaadhka Ah Ee Ukraine

Moscow(SLPOST) Dawladda Ruushka, ayaa sare u qaadday cambaaraynta ka dhanka ah dowladda cusub ee Ku-meel-gaadhka ah ee Ukraine ee ay taageeraan reer Galbeedku, iyadoo si kulul u dheecaysay tallaabadaas.

flag-r

Xiisad ayaa ka kacsan dalka Ukraine ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Viktor Yanukovych. Ra’iisalwasaaraha Ruushka Dimitry Medvedev ayaa sheegay in dowladda cusub ay xukunka ku qabsatay “gadood hubaysan”.

 

 

 Wasiirka arrimaha gudaha ee KMG Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegay in dowladda ay jartay warqaddii lagu soo xidhi lahaa madaxweynihii hore Yanukovych.

 

Baarlamaanka Ukraine

Baarlamaanka Ukraine ayaa dhowr maalmood ka hor u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Yanukovych.

 

Ilaa haatan lama oga halka uu ku sugan yahay madaxweynihii hore.

 

Qalalaasaha Ukraine ayaa billawday kaddib markii madaxweynaha xilka laga tuuray uu diiday inuu xirir dhow la yeesha Midowga Yurub oo uu doorbiday inuu ku baddesho Ruushka.

 

Ra’iisalwasaaraha Ruushka ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ku qaldan yahay inuu aqoonsado maammulka cusub ee KMG.

Maraykanka:

 

Mareykanka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero dhaqaale siiyo dalka Ukraine si loo soo celiyo xasiloonidii dhaqaale ee dalkaasi.

 

 

 

Afhayeenka aqalka cad, Jay Carney, ayaa sheegay in deeqda dhaqaale ay Ukraine u suuragelin doonto inay horumariso qeybaha caafimaadka iyo waxbarashada.

 

Faransiiska ayaa isaguna sheegay in madaxweyne Francois Hollande uu muujiyay inuu ka walwalsan yahay muhiimmadda ah in awoodda Ukraine si nabad gelyo ah loo wareejiyo, xilli uu telefoon kula hadlayay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin.

  

Labada madaxweyne ayaa wadahadlay iyadoo madaxa arimaha dibadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton, ay ku sugan tahay magaalada Kiev, halkaas oo ay ku leedahay wadahadallo looga xaajoonayo sidii taageero siyaasadeed loo siin lahaa hogaamiyayaasha cusub ee Ukraine.

Somalilandpost@live.Com

Hargeysa/Somaliland