Ruushka iyo Shiinaha oo Awoodda VETO ku hor joogsaday qaraar ka dhan ah Suuriya

New York, 05 February 2012 (SLpost)- Dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa gaashaanka ku dhuftay qaraar Golaha Amaanka la soo dhigay oo ay dabada ka riixayeen Jaamacadda Carabtu, isla markaana lagu wiiqayay Madaxweyne Bashar Assad.

Codka diidmada qayaxan ee VETO ayay labadan waddan ku hor-istaageen kulan ay golaha amaanku arrintaa ka yeesheen, tanina waxay ka dambaysay markii uu Madaxweyne Obama soo saaray qoraal uu Qaramada Midoobay kaga dalbanayo inay talaabo ficil leh ka qaadaan dilalka sii socda ee dadweynaha Suuriya ay dawladoodu ku hayso.

Dalalka Ruushka iyo Shiinaha ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan waxa ay u arkaan qorshe dhinac keliyi wato, kuwaasoo dhaleeceeyay dhinaca dawladda Suuriya, balse aan ka hadlin dhanka dagaalyahanka hubaysan ee doonaya inay talada ka tuuraan dawladda Suuriya. Waxaanay labada dalba muujiyeen werwer ay ka qabaan farogelin caalamiya oo ka dhan ah dawladda Madaxweyne Assad.

Waa markii labaad ee ay codka diidmada qayaxan ku hor-joogsadaan Ruushka iyo Shiinuhu qorshe ka dhan ah dawladda Suuriya, waxaana markan ka horaysay xilligii bishii Octrober ee sannadkii tegay ay diideen codka VETO qaraar ay Qaramada Midoobay ku dhaleecaynayeen maamulka Madaxweyne Assad. Qaraarkan dambe waxa taageerayay dawladdaha carabta, xubnaha dalalka reer galbeedka oo ay ku jiraan Ameerikaanku.

Susan Rice oo ah wakiilka Qaramada Midoobay u fadhida Maraykanka, ayaa talaabadan ku tilmaantay wax laga xishoodo iyo diidmo aan loo meel-deyin. “Tani waa maalin murugo ku ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.” Isla markaana diidmadan ayaa timi maalmo yar ka hor intii aan xukuumadda Moscow gorgortan lagala gelin socodsiinta qaraarkaas. Waxaanay Ruushanku ka baqayeen in mar kale la raaco talaabadii sannadkii hore lagu riday dawladii Liibiya, taasoo loo raacay ogolaansho Golaha Amaanka laga ansixiyay.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaste@somalilandpost.net