Ruushka iyo Maraykanka oo isku afgaran waayay arrinta gobolka Crimea ee dalka Ukraine

London(Slpost)Kulan ay yeesheen Wasiirada arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo Ruushka oo ka dhacay magaalada London ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo kulanka uu ku saabsanaa arrimaha Ukraine.

slm

Mudo lix saacadood ayaa Mr Sergei Levrov iyo John Kerry ay kawada hadlayeen si gaar ah xaaladda gobolka Crimea oo ku yaalla xadka Ruushka iyo Ukraine.

Berrito oo axad ayaa la filaaya in afti laga qaado dadweynaha oo ku saabsan in gobolkaas uu ka go’o Ukraine kuna biiro Ruushka, balse waxaa si weyn uga soo horjeeda Maraykanka iyo xulufadiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Mr Levrov ayaa sheegay in ay xushmeyn doonaan rabitaanka dadka reer Crimea iyo weliba natiijada kasoo baxda aftida. Wuxuu raaciyey in Ruushka iyo Maraykanka aysan isku aragti ka noqon arrinta Ukraine iyadoo aan wax xal aan la gaarin.

Wuxuu intaas ku daray in Ruushka uusan qorsheynin in uu fara geliyo ama Ciidamadiisa geeyo gobolada kale ee Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in aftida ay tahay mid jebinaaya sharciga dalka Ukraine, isla markaana natiijada kasoo baxda aysan aqoonsan doonin Maraykanka iyo xulufadiisa.

Hogaamiyaasha Maraykanka iyo Ruushka ayaa si aad ah isku khilaafay arrimaha Ukraine, iyadoo Ruushka uu doonayo in gobolka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Office/Somaliland