Ruug-caddaa ka tirsanaa Bahda Saxaafadda Somaliland oo Caawa Geeriyooday

siciid guraaseHargeysa (SLpost)- Ebbe naxariistii Janno ha ugu deeqee, waxa caawa magaalada Hawaas ee dalka Itoobiya ku geeriyooday Wariye Siciid Ismaaciil Xuseen (Guraase) oo ahaa Tifaftirihii Guud ee Himilo Media Group.
Alle ha u Naxariistee Siciid Guraase waxa uu afartii maalmood ee u dambeeyey dhul-yaal u ahaa xannuun ku soo-booddo ah ka dib markii uu todobaadkii hore madaxa Dhiig kaga furmay, kaas oo uu u jiifay cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa saddexdii maalmood u dambeeyey, waxaana maanta loo qaaday Addis Ababa oo caafimaad ahaan loogu waday, haseyeeshee waxa ay tiisu ku dhammaatay kuna geeriyooday magaalada Hawaas ee dalka Itoobiya wakhti ay ku sii jeedeen magaalada Addis Ababa
Marxuum Siciid Guraase waxa Maydkiisa dib loo soo qaadi doonaa Maanta, iyadoo lagu aasi doono magaaladda Hargeysa. Marxuum Wariye Siciid Ismaaciil waxa uu ifka kaga tagay Hal Xaas iyo Afar Carruur ah
Marxmuun Siciid Ismaaciil Xuseen (Guraase) oo ka mid ahaa Wariyayaashii muddada badan mihnada saxaafadda ku soo jiray, waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeysyo ay mid yihiin Jamhuuriya, Haatuf, Maalmaha, Waaheen iyo Xog-ogaal.
Guddoomiyaha Himilo Media Group Madar Cabdi Axmed, Tifaftiraha Wargeyska Khadar Iid Kaariye, Agaasimaha Maamulka Xasan Axmed Abokor, Cabdiwahaab Aadan Cali, MM Kastam, Maxamuud Cali Maxamed, Caydaruus Sh. Cumar iyo dhammaan hawl-wadeennada bahda HiMILO MEDIA GROUP waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, qaraabadii, Axsaabtii iyo Bahda Saxaafadda ee uu ka baxay Siciid Ismaaciil Xuseen (Gurarase) oo ahaa Tifaftirihii Guud ee Himilo Media Group, waxaanay Eebbe uga baryayaqaan Naxariistii Janno inuu ka waraabiyo, dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Inaa Lilaahi wa inaa Illayhi raajicuun.