Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo dadafaysay warar sheegaya inay cago dhigtay Muqdisho

 

Hargeysa, (SLpost)- -Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa beenisay warar warbaahinta qaar ku soo baxay oo sheegayay inay ka digtay magaalada Muqdisho, iyadoo tilmaantay inay sharciga la tigsan doonto cidii faafisay, kana rabto caddaynta warkaas.

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo maanta xafiiskeeda ugu warantay warbaahinta, waxay shacabka u xaqiijisay in aan Somaliland iyo Soomaaliya wax isugu hadhin, ujeeddo Xamar ay u tegaana aanay jirin.

Warka sheegaya in aniga oo ah wasiir-ku-xigeenka caafimaadka Somaliland aan ka degay magaalada Muqdisho, runtii warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waana wax laga khajilo in wararka noocaas ah laga faafiyo masuuliyiinta qaranka, markaan warkaa arkay kamaan nixin, laakiin aad ayaan uga khijalay waxa ummadda loo galinayo warbaahinta iyadoo arrimaha hadalaysa waxay tidhi “Anigu Xamar maan tagin, mana tagayo umana socdo wax ii yaalaana ma jirto, waayo aniga Somaliland ayaan ku noolahay oo aan deganahay ummadayda ayaan u shaqeeyaa oo aan karaamo ku leeyahay, Somaliland iyo Somaliya-na hore ayey u kala socdeen wax layskugu noqonayaana ma jirto.”ayey tidhi Marwo Nimco Qawdhan, waxaanay intaa ku dartay “Runtii anigu kaga hadhi maayo cidii warkan qortay, laakiin waxaan ka rabaa halka ay ka keeneen oo caddayn leh, Xeer-ilaalintana waan u gudbinayaa kama hadhayo ilaa aan helo halkii uu warkaasi ka soo baxay.”

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadku waxa kale oo ay xustay in xukuumad ahaan aanay jirin siyaasad ugu jirta Soomaaliya “Shacabka Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan waxaan u sheegayaa Somaliland wax Somaliya u yaala oo ay ka raadinaysaa ma jirto qofkii dan shakhsiya u leh ee tagayaa isaga ayey u taalaa, laakiin xukuumad ahaan aniga oo afkii xukuumada ku hadlaya wax siyaasada Xamar ka socota iyo loolanka ka socda noo yaalaa ma jirto waayo ummadda ayaannu xil u haynaa, mansab ummaddu leedahay ayaannu ku fadhinaa,qaran nabadana waannu haysanaa, markaa maanta wax aan aniga iyo qayrkayba ugu hanqal taagnaa waxaan u malaynayaa inaanay jirin.”ayay sii raacisay hadalkeedii Marwo Nimco Xuseen qawdhan

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay warbaahinta kula dardaarantay in aanay qorin wax qaranimada wax u dhimaaya.

SOMALILAND POST.NET