Rugta Ganacsiga oo Muddeysay Qabsoomadda Carwada 6aad ee Somaliland oo dib-u-dhac ku yimi

rugta-ganacigaHargeysa (SLpost)- Rugta Ganacsiga Somaliland iyadoo tix gelinaysa codsi uga yimi xubnaha guddida fulinta waxa ay Carwadii Lixaad u riixeen munaasibada sanadka cusub ee 2014-ka.

Sidoo kale Waxa uu gudoomiyahu meesha ka saaray oo uu beeniyey warar sheegaya in Rugta ganacsigu ku fashilantay qabashada Carwada lixaad ee Ganacsiga oo Barri ka furmi lahayd magaalada Hargeysa.

Sidaasina Waxa lagu cadeeyey Qoraal rasmi ah oo uu guddoomiyaha Rugta Ganacsig Md. Maxamed Shugri Jaamac uu soo saaray ayuu ku sheegay in ganacsatada waaweyni ka dalbatay in mudadaas dib loogu dhigo, iyadoo uu xusay in ay qabsoomi doonto 1-1-20014-ka.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-“Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha Somaliland Somaliland waxa ay ganacsatada iyo Dadweynaha Reer Somaliland ee Xiisaynayey in ay ka qayb qaataan Carwada Ganacsi ee Lixaad ee furmi lahayd 1-12-20013 ku wargelinaysaa in Codsi uga yimi xubnaha guddida fulinta ee Rugta Ganacsiga darteed dib loogu dhigay munaasibada sanad guurada sanadka cusub ee 2014-ka, taasoo dhici doonta isla maalintaas oo ku beegan 1-1-2014 oo ah maalin Arbaca ah.

Sidaas darteed, Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay markale ka codsanaysaa dhamaan Ganacsatada iyo Dadweynuhuba in ay mudadaas ku diyaar garoobaan isla markaana diyaarsadaan wixii ay u baahan yihiin.”

Muddeynta wakhtiga ay qabsoomayso Carwada 6aad ee Somaliland oo lagu waday inay maalinta Berri ah ka furanto magaalada Hargeysa, ayaa ka dambaysay ka dib markii warbaahinta qaarkeed ku eedeeyeen Rugta Ganacsiga Somaliland inay ku fashilantay qaban-qaabada iyo qabsoomidda Carwada.

SOMALILANDPOST.NET