Rug Boolis oo Laga Dhagax Dhigay Tuulada Ceel-la-Helay

 

Hargeysa(SLpost)-Tuulada Ceel-la helay ee ka tirsan degmada Sabawanaag ayaa laga dhagax dhigay saldhig cusub. Guddoomiyaha Degmada Sabawanaag Cali Hugur Dalab, Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Iyo Xildhibaan Cabdiqani Yuusuf Macalin Gahayr ayaa si wada jir ah u wada dhagax dhigay rugtan boolis ee degmadu yeelan doonto.

Munaasibad lagu qabtay madasha laga dhagax dhigayey saldhiga booliska ayaa waxa hadallo ka soo jeediyay dhammaan masuuliyiintii ka soo qaybgalay oo ka waramayfaa’iidooyinka uu saldhigani yeelan doono kana warbixiyey baahida loo qabay inta ay leekayd.

Gudoomiyaha degmada Sabawanaag oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay dhammaan intii ka qaybqaadatay sheegayna in baahi weyn loo qabay hirgelinta saldhigan booliska, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Annagu ka degmo ahaan dhagax dhigga saldhigan marka laga yimaad waxa aannu bixinaynaa inta ugu badan ee dhismahan oo intaa aad aragtaan ee sibidh, biyo, ciid iyo jiingaddoba leh. Waxa kale oo aannu bulshada inteeda kale iyo dawladdaba ka codsanaynaa in na loo kordhiyo oo la nooga dhigo saldhig tayo badan leh. Dadka deegaankana waxa aan u soo jeedinayaa in ay cashuurta sida ugu fiican u bixiyaan si wax wanaagsan oo muuqda loogu qabto”

Xildhibaan Cabdiqani Yuusuf Macalin Gahayr oo afka golaha deegaanka ku hadlayey ayaa waxa hadaliisii ka mid ahaa “Tuuladani waxa ay muhiim u tahay isku socodka Somaliland iyada oo xudun u ah jidka ka yimaad xagan Oodwayne iyo gobolada kale ee bariga qaarkood, sidaas aawadeed ayaa keentay in mudnaanta la siiyo dhisidda rugtan nabad galyada”

Taliyaha hawlgelinta bariga magaalada Hargeysa Kabtan Muuse ayaa isaguna ka hadlay muhiimada saldhigani uu u yeelanayo hawlgaladooda ay ku ilaalinayaan ammaanka dalka, waxa kale oo uu dadweynaha ceel la helayna ka codsaday in ay la shaqeeyaan booliska ka shaqaynaya ammaankooda.

Ugu dambeyn Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin ayaa ku tabarucay 1000(Kun) xabo oo jaajuur ah halkaa ka jeediyay hadal dhiirigalin, mahadnaq iyo duco iskugu jira.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office