Roxaani: Muslimiintu Ha Wanaajiyaan Fikirka Caalamka Ka Qabo

Iran(SLpost)-Madaxweyne Rooxaani ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu furayey kulanka Shirka Midowga Muslimiinta Caalamka ee magaalada Tehraan.

Rooxaani ayaa sheegay in ay waajib tahay in Islaamku uu meesha ka saaro muuqaalka khaldan ee caalamka maanta jooga ka haysto.

Rooxaani ayaa Muslimiinta ku eedeeyey sababta ay uga aamusanyihiin dhiiga ka qubanaya shacabka Muslimka ah ee dalalalka Siiriya, Ciraaq iyo Yemen, isagoo sheegay in dagaalka ka socda dalalka Siiriya iyo Ciraaq uu yahay ay mid faa’iido ugu jirto Israa’iil iyo dadka ka soo horjeeda Muslimiinta.