“Router Musuqmaasuqa Ay Aniga Igu Xidhiidhisay Maaha Mid Jira”Foowsiya X-Aadan

Somalia(Slpost)Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Somaliya Foosiya Yusuf Xaaji Aadan oo waraysi siisay warbaahinta Routers ayaa ku gacan saydhay warbixin la daabacay oo sheegaysay in ay ku luglahayd musuqmaasuq baahsan oo ka dhacay dawladaii ay ka ahayd wasiirka.

fowsiyaYusuf1

Marwo Foosiya ayaa sheegtay eedaynta ay usoo jeedisay gudoomiyihii bangiga dhexe ee Somaliya Yusur Abraar in ay tahay wax aan sal iyo raadtoona lahayn,Foosiya ayaa sheegtay in arinta in ay ka dambaysay oo ay cadaadis ku saartay Dr Yusur Abraar in koonto hab musuqmaasuqa ka furto Dubai uu ahaa warkaasi mid aan sal iyo baartoona lahayn.Foosiya ayaa sheegtay warbxinta Yusur ee ay qortay sida ay waxa fiican iiga sheegtay ayaa markhaati ii ah inaan waxba isdabamarin lug ku lahayn.

Foosiya Yuusuf Xaaji Adan ayaa ahayd wasiirkii ugu wax qabadka badnaa dowladii hore ee baarlamaanku riday iyadoo tan iyo markii xilka laga qaday ay wasaaradii arimaha dibadu noqotay fadhiid halka markii horena ay ahayd mid howleheedu cirkaa marayaan . wasiirka arrimaha dibada ee hada la magacaabay ayaa u muuqa nin aan wax badan ku qaban Karin waxa laga sugayo in uu la yimaado.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland