Roobabka Toddobka Oo Labadii Todobaad Ee U Dambeeyay ka tis-qaaday Gobolka Gabiley – WARBIXIN: Weriye Cabdikariim Muxumed Cadde (Qaamuus)

Roobka Toddobka loo yaqaano oo ah roobka da’a Aakhirka xilliga jiilaalka isla markaana ah roobka kala soora xiliyada guga iyo jiilaalka  ee ka horeeya roobabka awalka gu’ga da’a ee loo yaqaan Seermoweydada ama Cawl-dhalka, ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay hadba deegaan ka hoorayay deegaamada gobolka Gabiley.

Inkastoo aanu dhibicu wada gaadhin deegaanada oo dhan hadana inta badan wuu ka da’ay, meesha aanu dhibucu haleelina waxa ay miyi iyo magaalaba ka sinaayeen oo hadheeyay heego roobaad oo camal hoorimaad ah iyo saxansaxada Toddobka.

HOGOLMeelaha uu sida aadka Toddobku uga da’ayna waxaa ka mid ah magaalada Tog-wajaale iyo deegaanada nawaaxigeeda ku teedsan oo uu si aad ah u biyo dhigay.

Dhanka kale  dadweynaha ku dhaqan gobolka Gabiley oo u badan Beeralay ayaa  waxaad moodaa inay doorkan si aad ah isugu diyaarinayaan beerashada dalagga ee Gu’ga curanaya, waxayna intooda badan ku hawlanyihiin rogaalka ciidda beeraha  si loogu sii diyaariyo wax beerista iyo dhibaca roobka. Inkastoo xiligan uu gu’gu curanayo uu  yahay wakhtiyada ay ugu mashquulka badanyihiin dadyawga beeralayda ahi, hadana waxaa la odhan karaa waxa dardarta ka muuqata beeralayda Gabiley keenay dalagyada ay beertaan oo u badan hadhuudhka iyo Galleyda oo sanadkii hore si aan la arag uga baxay waxaanad ilaa hada hadaad booqato deegaanada miyiga ee gobolka Gabiley ay indhahaagu qabanayaan kuusaska caleenta  ah ee sida teel teel ka ah u teedsan reeraha  iyadoo caleentii hore wali tuulan tahayna, waxaa soo gaadhay tiixa roobkii gu’ga taasi oo ah astaan muujinaysa barwaaqo.

GABILEY_HOGOLIsku soo wada duuboo wali waxaa ka da’aya deegaanada gobolka Gabiley roobkii Toddobka xilli dadwaynaha  ku dhaqana ay kordhiyeen wax-soosaarkii dalaga beeraha.

 WARBIXIN: Weriye Cabdikariim Muxumed Cadde (Qaamuus)

Gabiley, Somaliland.