Roobabka Gu’ga oo ka Curtay Gobollada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Roobabka Gu’ga ayaa si rasmi ah uga curtay Gobollada Somaliland, iyadoo maanta roobabku ku da’een deegaamo ka tirsan gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa caasimadda u tahay.

Magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, waxa gelinkii dambe ee maanta ka da’ay roobab lagu diirsatay oo dadku ku qabowsadeen xilli lagu gudo-jiro cimilo kulul wakhtiyada habeenkii iyo maalintiiba.

Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, waxa Jimcihii shalay ka da’day roob maasheeyey bulshada ku dhaqan magaaladaas iyo nawaaxigeeda.

Roobabka Gu’ga ayaa inta badan ka bilaabma deegaannada Soomaalida, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland 21-bisha March oo ku beegan maanta, iyadoo xilligan ay bilaabmaan Roobabka Saddexda bilood ee Gu’ga oo loo yaqaanno Seermawaydo, Dirirka Cawleed iyo Dirir Sagaale.

 

Magacyada Roobab Xilliga Gu’ga

In kasta oo Deegaamada Soomaalida magacyo kala duwan loo yaqaanno, haddana gobollada Somaliland intooda badan waxa xilliga Gu’ga ka da’da Afar nooc oo roobab ku suntan magacyo kala duwan.

Mid ka midah Abwaannada Dhaqan-yaqaanka ah ee Somaliland oo ka warrayey magacyada loo yaqaanno roobabka da’da xilliga Gu’ga ayaa sheegay sidan:-

“Dirir Daydo: Waxaa la fishaa dabayaaqada bisha Maarch, waana roob deggan oo dhibco yayar oo aan lahayn onkod iyo dabayl, inta badan laha daad rogmanaya, cawska ayaa aad u baxa. Dirir Seermawaydo: Waa roob caadi ahaan Gugu ka curto, wuxuuna ku beegan yahay badhtanka bisha April, waana onkod iyo hillaac miidhan oo dhibco waaweyn.
Dirir Cawleed: Wax uu galaa bisha May, waana roob dabayli waddo oo dheereeya oo halkii aad ka filaysay meel aan ahayn u booda. Dirir Sagaale: wax uu da’aa bisha Juun mana tayo badna. Haddii aad maqasho Beri-samaad iyo Gu’ hagaagay, waa afarta dirir oo wada roobbanaada.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net