Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Buuhoodle

(SL.Post) Wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in xalay ku dhawaad todoba saacadood uu deegaamada ku teedsan magaalada Buuhoodle ay ka da’een roobab maasheeye deegamadaasi.

Waxaana magaalada Buuhoodle iyo deegaano hoos yimaada xalay ka da’ay roob wayn oo mahiigaan ah oo maasheeyey dhulka isla markaana buux dhaafiyey guryihii,goobihii waxbarasho,iyo masaajidadii.

Waxaana Bulshada Buuhoodle ay ka hadleen daroonkooda kuu adan roobka saacadaha badan hayey oo xalay u hoorey iyaga oo alle mahadceliyey sida uu ugu naxariistay adoomahiisa abaarta halakaysay.

Halkan hoose ka daawo faah-faahinta warkan.

Somalilandpost.net.