Roobab Khasaare ugaystay Deegaano ka mida Gobolka Saaxil Hal Qofna Ku Dhintay

Berbera(SLpost)Roobab Mahiigaanno ah oo ilaa iyo Shalay ka Da’ayey Deegaano kala Duwan Oo Somaliland ah ayaa khasaare Baahsan ka geystay meelo ka mid ah Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Roobabkan ayaa Soo Rogay Daadad aad  u badan, waxana Deegaanka Degmada Mandheera Ee Gobolka Saaxil ku Dileen Marxuum ka Tirsanaa Dadka deegaankaas, iyagoo sidoo kale Baabi’iyey Beero wax soo saar oo aad u tiro badan.

roobabka Gu'ga

Marxuumka dhintay oo la Odhan jirey Cabdi Cilmi(xoor) ayaa Maydkiisa isla xalay la waxana saaka lagu aasi doonaa isla Deegaankaas Mandheera.

Sidoo kale waxa la sheegayaa inuu Daadkaasi Guud ahaanba Baabi’iyey oo uu Gegi Bannaan ka Dhigay Beero badan oo dadka Deegaankaasi lahaayeen sida uu Noo Xaqiijiyey Guddoomiyeha Degmada Mandheera.

Xilligan oo lagu jiro xilli-roobaad ayaa sannad walba waxa dhacda in khasaaraha roobku uu joogto Noqdo, walina lama Hayo wax tallaabo ah oo xukuumaddu ku baajinayso shilalkan uu Roobka Da’ayaa Keenaayo.

Somalilandpost.net

Berbera