Roobab ka da’ay deegaamo ka tirsan gobolka Selel iyo Mucaawimo Jabuuti ka timi oo laga qaybiyey Gobolkaas

Saylac (SLpost)- Raxmaadka Eebbe  ayaa habeen hore ka da’ay Deegaamo ka tirsan Gobolka Selel oo ka mid ah Gobolada ay abaarta xooggani ka taagnayd, Sidoo kale waxaa Gobolkaasi soo gaadhay raashin Mucaawimo ah oo ah deeqdii ugu badnayd ee dalka debeddiisa laga soo gaadhsiiyo Gobolkaas.

Deegaamada Roobabku ka da’een oo kala ah Xariirad, Xamaas, Cabdiqaadir iyo Jidhi, ayey dadka ku nooli sheegeen inay ku qabawsadeen Raxmaadka Eebbe, maadaama abaar  saddex sanno jirsatay ka taagnayd Gobolka Selel.

Dhinaca kale Raashinka ah oo dhan afar boqol iyo konton tan  ayaa loogu talo galay dadkii ku tabaaloobay abaaraha ka jira jiidaha gobolkaas isla markaana loo qoondeeyay Lix Kun iyo Boqol iyo Siddeed Qoys ayaa qaybinteedii laga bilaabay in ka badan Labaatan Tuulo oo ka mid ah Gobolka Selel.

Deeqdan oo ka timid Xukuumadda Jabuuti, isuguna jirta bariis, saliid, daqiiq, bacaha guryaha lagu dhisto, waxay dawlada Jabuuti soo mar siisay ururka RAMAD oo ah urur samafal oo ay ku midoobeen jaaliyadaha gobolada Awdal iyo Selel ee ku dhaqan dalka Jabuuti, waxaana kaga hortagay Magaalada Lawyacado ee Xuduuda Somaliland iyo Jabuuti Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geele, Gudoomiyaha Hay’ada NEERAD Maxamed Muuse Cawaale, Gudoomiyaha Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed iyo Maayarka Degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi Cawad.

Xukuumada jabuuti ayaa noqonaysa dawladii ugu horaysay ee deeq soo gaadhsiisa dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan gobolada Awdal iyo Selel, isla markaana jawaab deg-deg ah ka bixisa baaqii uu madaxwaynaha Somaliland ku dalbaday in gurmad lala soo gaadho dadka iyo duunyada ay saamaysay abaaraha ka taagan qaybo ka mid ah Somaliland.