ROME: Somaliland iyo Talyaaniga oo ka wada-hadlay Qodobbo Xaasaasi ah (SAWIRRO)

Rome (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dowladda Talyaaniga, kala hadashay sidii ay qayb-qaadan lahayd Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay dhaqaalaha ku bixiyaan waddamada Midowga Yurub isla markaana loo soo xoojin lahaa xidhiidhka u dhexeeya labada waddan.

Sidoo kale waxa ay labada dowladood ka wada-hadleen qodobbo kale oo aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland iyo kor u qaadista cilaaqaadka labada waddan ku jiraan.

KULAN (1)Qodobbadan ayaa lagaga wada-hadlay kulan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ku dhex-maray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Lapo Pistelli, sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulanka iyo socdaal wasiirku ku mari doono waddamo ka tirsan qaaradda Yurub, ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga Mudane, Lapo Pistelli Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda dalka Taliyaaniga.

KULAN (3)Labada wasiir ayaa kulan ay ku qaateen Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Taliyaaniga kaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin 1) Cilaaqaadka labada wadan ee dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta 2) Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii ictiraaf uga heli lahaayeen wadamada reer Yurub ee Taliyaanigu ka mid yahay 3) Sidii dawladda Talyaanigu uga mid noqon lahaayeen Sanduuqa horumarinta Somaliland

Kulanka oo labada masuul ay kaga wada hadlayeen arrimahaasi kor ku xusan sidii loo dardargalin lahaa iskaashi iyo xidhiidh cusub oo labada wadan ay yeeshaan, ayaa la isla afgartay badiba qodobadii laga wada hadlay iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka dhoofay caawa Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga isaga oo gaadhay Magaalada London oo kulan kula yeelan doono Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ingiriiska,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka  ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland.

KULAN (2)KULAN (4)