Riyaddii Rumawday. Qeybtii 5-aad

Axmed oo si weyn ugu dheg-raaricinayay hadaladda midiba midda kale ka dareen-taabad badan tahay ee uu ku tiraabayo Ismaaciil,kagana sheegayno Waayo-culayskeeda leh oo la-deris ah,ayaa dhinac-na ka farxay,dhinac-na ka naxay!.

Ugu horaynba waxa uu ku farxay in aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay Qoyska Ismaaciil,isaga oo markii hore u qaatay inay ku timid geerri naxdin lihi mid ka mid ah Qoyska saaxiibkiisa 1-aad ee Waxbarshadda,taasina ay tahay waxa saamaynta taban ku yeeshay hab-fikirka Ismaaciil,isla-markaasna uu si weyn uga wer-wersan yahay Geeridaas lasoo deristay Qaraabadiisa,waxaana uu hoosta iska yidhi Axmed in waxa kaleba ay saleelo yihiin,xalna loo heli karo.Waxa kale oo si weyn uga argagaxay dhibta laxaadka leh ee Nololeed ee soo food-saartay Saaxiibkii Ismaaciil iyo waayaha adag ee Nolosha ee Hirdiyay,naafeeyayna hammigiisa Waxbarasho iyo kisii Nolashaba.Waxa uu si weyn u beer-qaaday hadaladda dhiilladda leh ee kasoo baxay afka Ismaaciil,taas oo si weyn u gil-gilaysa Qalbiga Bini’aadam ALLAH Naxariis iyo debecsanaan ku uummay.

Waxa uu si weyn Naftiisa ugu canaantay sababta uu Wakhti horeba u ogaan waayay dhibka haysta saaxiibkii oo uu aaminsanyahay inuu abaal-weyn oo aan la guddi Karin ku leeyahay Geedi-socodkiisa Waxbarashadda,la’aantiina ay suuragal-tahay inuu waayo qeyb muhiim ah oo Waxbarshadiisa,ayna adkaantoonto haddii uu saaxiibkii Ismaaciil sidaas kaga hadho Waxbarshadda ay isna ku adkaanto doonto inuu sidii hore uu u fahmo,ugana shaqeeyo Laylisyadda Casharka oo uu Ismaaciil ahaa shaqsi qeyb weyn ku lahaa Fahamsiinta Masalooyinka ad-adag ee dhinaca Casharadda,taas oo uu si weyn uga caawin jiray,dulqaad weyn-na uu u lahaa.Waxa lama filaan ku noqotay in shaqsi magac iyo maamuus ku dhex leh guud ahaanba Iskuul,gaar ahaana Fasalka ay wadda dhigtaan uu nolol caynkaas ah ku nool-yahay,waayo waxaabu jeclaan lahaa inuu noqdo walaalkiis ay Hooyo iyo aabbo wada dhaleen,si ugu yaraan ay isna magac ugu noqoto,laguna qadariyo inuu Ismaaciil walaalkiis yahay.Ismaaciil waxa uu ka mid yahay ardayda ugu caansan,uguna qedarinta iyo Xushmadda badan ee Dugsiga waxkabarata.Xiliyadda Imitixaanka lagu jiro arday kasta oo ay isku galas yihiin. Waxa uu ku tammaniyaa inuu Imtixaanka ay wada akhristaan Ismaaciil,waayo waxa uu aaminsan yahay inuu si fudud oo dhib yar uu fahamsiinayo casharo badan oo ku adag,isla-markaasna aanay suuragal-ahayn inuu ka jawaabo haddii Imtixaanka dhexdiisa lagu weydiiyo.

Qaar badan oo ardayda ka mid ahi waxay u arkaan inay sharaf iyo maamuus u tahay inay la socdaan,isla-markaasna lagu ag-arko iyaga oo Ismaaciil la taagan ama la sheegaysanaya xiliga Nususaacaha ay ardaydu u baxaan.Dhinaca Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga waxa uu ka yahay arday Xaafidul-qur’aan ah,faham wanaagsan,edeb leh,af-gaaban ayna yar tahay cabashadda laga soo sheegto ee Xaafadda iyo Iskuulkaba.Macallinka Galaaskooda maamula ee Form-master-ka u ahi waxa uu Ismaaciil ugu horeeyaa ardayda uu ku faano marka laga hadlayo ardayda ugu Waxbarashadda Wanaagsan Iskuulka,waxaana loo arkaa inuu yahay Astaan ka turjumaysa sababihii Dugsiga loo aas-aasay iyo muuqaalka la rabay inay yeeshaan Midhaha uu soo saarayo,waxaa uu ku doodaa in ardaygaasi (Ismaaciil) ay tahay inay Maamulka Iskuulku si weyn iskaga xil-saaraan,laguna tabco.Maalmo ka hor waxa la qorsheeyay inuu Ismaaciil guud ahaanba Iskuulka u matalo Tartan Qur’aanka Kariim ah oo ka dhici Doona Magaalo kale oo ka baxsan tan uu Iskuulku ku yaallo,isla markaasna intaas ka hor Laga sii qaado Imtixaano dhawr ah oo dhinaca Qur’aanka marka uu dhamaado Imtixaanka Sannad-Dugsiyeedkan oo hadda ay bil wax ka yari ka hadhsan yihiin,waxaana qorshaha ku jirta in loo qabto dhawr macallin oo kale,kuwaas oo ku xeel-dheer Tajwiidka iyo Qiraa’aadka Qur’aanka Kariimka ah.

 

Lasoco…..
W/Q: Mohamed Hassan Daacad