Riyaddii Rumawday! Qeybtii 12aad

Intaas markii ay ku tiraabeen Caruurtii ay dhashay,ayay iyada oo aan hadalba afkeeda kasoo bixin waxay si toos ah ugu soo tuurtay Ismaaciil Sufur ay gacanta ku haysay,waxaana uu ka haleeyay Wajigga,waxaanay intaas u raacisay garaacis hor leh oo ay jugo badanina gaadheen,iyadda oo intaas ugu dartay inay dibadda gurriga ugu saarto.Ismaaciil waxa Wajigga kasoo gaadhay nabar aad u culus,waxaana kasoo yaacay dhiig farabadan,waxaana uu Oohin la fadhiistay Geed Garanwaa’ ah oo gurriga ka ag dhawaa,waxaana halkaas kusoo marayay dad aad u badan oo iskugu jira arday Dugsiyaddii waxbarasho kasoo raxay,Odayaal Masaajidka kusii socda iyo dad caadi ah oo jidka lugaynaya,waaxaanay dhamaantood inta ay kusoo leexdaan weydiinayaan waxa ku dhacay,iyaga oo guryaha geedka  ag dhawna ugu baaqaya inay Ilmaha-Yar ay dhiigga ka maydhaan,waxaana Ismaaciil ku adag inuu u wajaabo dadka socotadda ah ee jidka kusoo maraya,waxaana sida roobka uga daadanaysa Ilmadda,taas oo si weyn u taabanaysa Qalibiga ugu yaraan inyar oo naxariis ahi ku jirto.Baddiba dadku waxay u haystaan inay Caruur kale oo ay Iskuulka kasoo wada raxeen ay is-laayeen.

Dadkii meesha kusoo ur-uray,ayaa waxa ka mid ahaa Oday  Cali oo ay Ismaaciil jaar yihiin,waxaana uu muuq-garta Wiilkan Ooyaya,waxaanu yidhi; “ oo miyaanu wiilkii Ismaaciil ee ay Canab Eddada u ahayd ahayn?saw kan gurrigii Eeddadii iyo Ilmaabtigii maxay Inanka ugu iman waayeen talaw? Bal I sug aan u tagee,Inakeen adeer aan gurriga ku geeyee”. Balse umay suura-galin inuu  wax jawaab ah ka helo Ismaaciil,waayo maba garanayo cid la hadlaysa,mana oga dadka badan ee ku xoonsan,waxaanu qalbigiisu sabaynayaa hirar murugo iyo ciil u saaxiib ah,taas oo aanu garanayn meel ay kusoo afjarmi doonaan.

Markii uu arkay Oday Cali in aanu wiilku far-dhaqaajin Karin,ayaa waxa uu isku dayay inuu Eddadii usoo sheego in Ismaaciil ay u badan tahay inay caruur kale ay maanta isa-soo-laayeen oo uu dhaawac wajigga ah qabo,loona baahanyahay in arrintaas la dabo-galo,wiilkana dhiigga laga maydho,lana ogaado nabaradda kale ee uu qabo iyo cidda ay is-laayeen-ba.

Intaas ay Dadku ku urur-sanyihiin Ismaaciil,isla-markaasna ay is-weydiinayaan wiilkan dhibko haysto iyo Ehelkooddii halka ay joogaan iyo cidda ay nabaraddan u gaysatay, Gabadhii u Edadda ahayd iyo caruurteeduba waxay iska fadhiyaan daaradda gurrigooda,waxaanay sheedda kala socdaan hadaladda iyo dhawaaqyadda dadka Geedka ku xoonsan,balse waxa muhiimad ah uma laha inay Wiilkoodda u gar-gaaran,waayo iyagaaba dhibkaas gaystay oo waliba si xaq-darro ah u dilay,kuna oogay danbi aanu galin iyo fal aanu samayn.

Oday Cali oo Salaaddii Duhur-ba ka tagtay,ayaa isaga oo deg-degaya al-baabkii xaafadda kusoo garaacay,waxaana uu si cadho leh ugu sheegay in Wiilkooddii laga yaabo inay caruuro kale maanta is-dileen,halkan-na uu ku dhiigg-baxayo,aanay usoo baxaan oo ay Wiilka goob caafimaad si deg deg ah u geeyaan.

Is mabay dhibine’ waxay gabadhii ugu jawaabtay Oday-gii; “ Adeer, caruur-na ismay dilin e’ waa mid Inkaar-qabbe ah oo maanta waa kaas caruurtii qeddo tiray,ka dib markii uu gurriga kusoo daayay Ri’yihii oo ay daadiyeen qeddii caruurta oo waa kuwaas hadda iyaga oo gaajoonaya I ag-fadhiya oo maanta Malcaamaddiina wey ka habsaamayaan oo hadda ayaan Baasto biyaha ugu shubay.Waa mid meel-baas lanooga keenay oo kuwii dhalay-ba ay dhibkiisa iska soo eryeen oo ay  xattaa ay ku aamini-waayeen Xoolahaddii,markaas adeero iskaga tag,kaasi mid-na maahee”.

Oday Cali,ayaa yaabay!,waxaana u qaadan waayay Ilmahan yare e uu indhihiisa kusoo arkay dhibka haysta iyo siday Qofkan dumarka ahi u hadlayso.Waa Oday Waayeel ah oo ay wax badan oo nolasha ahi u baxsanyihiin,mana ah qof hadal noocaas ah lagu qancin karo oo si fiican buu u garanayaan wiil aan gurrigii aabbihii iyo Hooyaddii joogin iyo muuqaalka laga haysto oo isaga laftiisa,ayaabay taasi soo martay markii uu raad-baradka nolasha ahaa.

Lasoco…………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com