Riyaddii Rumawday! Qaybtii 15aad

Intaas ka dib, Ismaaciil Edaddii waxay toos u guddo-gashay  ujeedka rasmiga ah ee ay galabta reerka ugu soo wareegtay,waxaanay hadalkeeddii ku bilawday: “ Walaalo,inaad ogtihiin mooyaane’ waxa lay keenay Inan (Wiil) aan Eddo ugu toosanahay oo aanu aabbihii ilamaadeer labbaad nahay.Waa Wiil ILAAHAY inaga shar tiray.Dhibtiisa ayaa anniga iyo reerkiiba aanu ka nasan la’nahay.Markii lay keenayay waxa laygu sheegay inuu yahay Wiil aan dhib iyo wax-yeelo lahayn,balse taasi waxay beenawday maalmo kooban ka dib markii uu reerka la joogay,waxay intaas is-laynayaan caruurtii kale ee Xaafadda oo maalin walba waa ii hadal iyo muran na-dhex yaalla anniga iyo badiba  dumarkii xaafadda,mushkiladduna waa ilmo aanad dhallin ka la’di waa,waayo kaad dhashay si uun baad odhan,kol  aad xidhana,balse kanni waa mid meel daran ILAAHAY igaga keenay.

 

Dhawr farriimood ayaan Hooyaddii u diray oo aan ugu sheegayo inay Inankoodda iga soo doontaan oo aan faraha kaga gubtay inta aanan Muslimka Islaameed ku colloobin,ilaa haddana wax jawaab ah kama hayo oo waxaaban is-leeyahay ujeedka ay kuugu keenanba waa inay dhibkiisa ka raystaan oo dee adduunka maynaan arag waalid inta uu Ilmahiisa Magaallo keeno,haddana aan dibba usoo eegin,waayo Ilmahaaga waa inaad addigu ka war haysaa,kuwaas aan dhalayba ma ogoli inay habeen-na meel kale u hoydaan,dhib iyo darxumo-na guudkooda lagu arko intaan noolahay oo waxaan u arkaa inay iyagu yihiin kuwii berri in anfaci lahaa,taasina ay keenayso in aan ku tabco oo aan cid walba ka horumariyo. Waa Ilmo dabeecaddii ka aradday oo aan waligii waxaas ka joogba la odhan,waana tiisa hayste oo waxa uu ku dhego sinaba kagama fur-furi kartid.

 

Caruurtii ay ilmaabtiga ahaayeen,yar iyo weyn,wiil iyo gabadh,ruuxna gacanta la gafimaayo.Inta uu Gurriga joogo waxaan  ku kala dhex-jiraa is-haysadkooda iyo kala furdaamintooda.Inta uu Iskuulka ama uu dibadda ku maqan yahay-na waa ii wer-wer oo waxaan is-idhaahdaa talaw maanta-na yay isasoo layn iyo muxuu dhib iyo xasarad ah ee uu kusoo jiidi.Hadda waxa uu ila joogaa muddo shan sanno ah,intaasna wax hadal iyo hoo-toona kama hayo waalidkii,maalin-na maalinta kasii danbaysay Ilmahii waan sii karhayaa oo haddii Ubadku inay kasii daraan mooyaane ay kasoo rayn waayaan wax faa’iido ah ma laha,wax wax-tarana ma istaahilaan oo dee kuwaas Dooxa joogaba dad baa dhalay,haddana markii ay  u caal-waayeen ayay faraha ka qaadeen oo ay ka nasteen oo ay is yidhaahdeen adduunka haydinla soo arkaan” ayay tidhi Ismaaciil Eddadii oo  Islaantii Oday Cali dul-xaadis ugu samaynaysa waxa uu daaran yahay ajandaha ay galabta ula shir-timid iyo dacwiga ay qabto.Waxay sidoo kale,intaas ku dartay “ Dhibkii ugu danbeeyay ee uu Wiilkaas aan kaaga sheekaynayaa ku kaco waxay ahayd maanta oo waxaa dhacday inuu markii uu ka yimid Iskuulka uu gurrigii kusoo daayay kuwii Ri’yaha ahaa oo aan gurriga kasii xidhay,taas oo keentay inay Qedaddii iyo Biyihii aan barqaddii gurriga usoo dhaamiyayba ay daadiyaan,taasina ay keentay  in caruuurtii halkii ku qeddo beesho,ka dibna aan yara dagaalay oo uu gurrigii kasoo cararay,ilaa maan-tana meel walba waan kasoo raadiyay waa ii socodkaas aan hadda kuugu imid.

Waxa lay sheegay in Oday Cali uu maanta markii Salaadda uu  ka yimid uu soo kexeeyay,gurrigana keenay,galabta-na lay sheegay inuu meel geeyay,inkasta oo aan meeshaas lay sheegin,laakiin aan filayo inay tahay reer aanu qaraabo nahay oo uu ka yari u sheegay inay wax-isu-yihiin,isla-markaas uu gurrigooda geeyo.Markaas walaal bal arrintaas xaajigana weydii oo waxaanad  u sheegtaa in Ilmahahi yahay mid loo caal-waayay,isla markaasna aan hadda rabo inaan reerkoodii ku celiyo fasaha dhaw oo aan iska diro” ayay hadalkeedii kusoo xidhay.

Cibaado waxay si dhugasho leh u dhegaysanaysaa hadaladda is-burinaya ee ay qofkan dumarka ah ee ay jaarka yihiin ku tiraabayso,waayo waxay u sheegtay in Ilamahan yari yahay mid faraha lagaga gubtay.Dhinaca kalena,waxay ammaanaysaa ubadkeeda,waxaanay sheegaysaa inay wax-walba dantooda ka horumarinayso oo ay xattaa ku jirto danta Ilmaha yar ee ay Eddada u tahay ee Ismaaciil.Waxa kale oo iyana ka cadhaysan tahay talabadda uu qaaday Odaygeeda Cali,kaas oo siday ay sheegayso Inankii yaraa u geeyay reer kale oo ay qaraabo yihiin,isaga oo maanta-na qedaysiiyay,qolkiisana seexiyay.

Intaas ka dib,waxaaba si lammo filaan Al-baabka ugu soo galay Oday Cali oo uu weheliyo Ismaaciil oo Balastar wajjiga kaga xidhan yahay,isla-markaasna ay oogadiisa ka muuqato saamaynta uu nabarkaas wajigga kaga dhacay ku yeeshay muuqaalkiisa guud,waxaana uu hadda dareemayaa madax-xanuun oo waa goor maqrib-ku-dhawaad ah.

Lasoco…………

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad461@gmail.com