Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay Heshiiska Maalgeshiga Dekedda Berbera iyo Waxa ay Xukuumaddiisu ka ogeyd

Hargeysa (SLpost)- Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay inaanu jirin wax ay ka ogeyd inay qayb ka ahaayeen heshiiska maalgeshiga Dekedda Berbera ee dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

CUAMRWasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waraysi uu siiyey Idaacadda BBC laanteeda Afka-Carabiga waxa uu sheegay in dowladdii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud kala saxeexdeen heshiiska maalgeshiga dekedda Berbera iyo Saldhigga Milatari ee lagu wado in laga hirgeliyo magaaladaas.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ahaa Reysal-wasaarihii ay wakhtigiisa ku soo beegantay heshiiska maalgeshi ee labada dowladood dhexmaray, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka, isagoo sheegay inaanay waxba kala socon heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Imaaraaadka Carabta.

Haddaba, Hoos ka Daawo Waraysi VOA la yeelatay oo uu Arrintan kaga hadlay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

https://www.youtube.com/watch?v=Z9ED8MrhzeA