Reer Sanaag Oo Luqadii Ugu Adkayd Kula Hadlay Gaboose

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banan gaar ahaan shabakadaha oo runtii meel muhiim ah kaga jira isla markaasna soo gudbiya afkaarta dadweynaha Somaliland.

Gobolka sanaag waa meel cajiib ah waxaana lagu xantaa inay tahay MaakhirLand iyadoo looga jeedo inay ku noolyihiin dad aan la fahmi Karin isla markaasna ciday rabaa kula hadla luqada ugu adage ay kula hadli karaan.

Gaboose waa siyaasi reer Somaliland ah waxaana lagu xantaa inuu yahay dadka aan abaal gudin isla markaasna markuu xilka qabto aan cidna u joojin oo albaabada xidha.

Waxa hore u jirtay inay reer ceerigaabo u shiideen gaboose markii uu ahaa gudoomiyihii ololaha gobolada bari ee xisbigii kulmiye, iyada uu halkaas ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo ay jiidhay rasaastii ciidankii difaacayey waftigii gaboose watay.

Waxaa la xaqiijiyey in ninkaas wiilkiisu hore ugu dhintay magaalada ceerigaabo uu gaboose ugu yimid wasaarada arimaha gudaha intii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha isagoo ka codsaday in magtii wiilkiisa la siiyo.

Gaboose wuxuu xadhig ugu jawaabay ninkii wiilkiisa hore sabatiisa loo dilay, isagoo laba cisho ku xidhnaa saldhiga NEW HARGEISA kadibna odayaal ay kasii daayeen.

Hadaba “somalidu waxay tidhaahdaa cuqubaba halkii lagu galay caw ku hurudaa” waxa dhacday in ninkii isaga ahaa ee wiilkiisa lagu dilay ceerigaabo waliba xadhigana loogu daray uu saaka subaxii u galay waddada waftigii ururka umadda ee gaboose hogaamineyey.

Rasaas uu ku furay cidi kuma dhiman balse waxaa midba meel ka dhacay waftigii gaboose ee u socday magaalada ceerigaabo isla markaana siyaabo kala duduwan u soo gaadhay magaalada ceerigaabo.

Markii uu khudbadii bilaabay gaboose ayaa waxaa meeshii soo galay shacab gaboose ka gadoodsan oo shiid ku bilaabay isla  markaasna doonay inay uga aargoostaan dhibaatooyin ay ka tabanayeen.

Ciidanka booliska ayaa gurmad ku yimid goobtii iyagoo wata saddex gaadhi oo tigniko yar yar ah isla markaana xidhan ninkii waftiga gaboose rasaaseeyey gaboosena meesha ka saaray.

Xaaladu imika waa caadi oo jawigu wuu daganyahay iyadoo waftigii gaboosena lagu ilaalinayo gurigii ay dageen waxaana la filan karaa in ay waftigu galabtaba kasoo caraabaan iyadoo reerkii ninkaasi ka dhashayna isu ururinayaan sidii ay gaboose usoo weerari lahaayeen.

Siyaad Maxamuud Faarax

Siyaadiye@hotmail.com