Reer-Hebelnimo laguma Hanan karo Hoggaanka Dalka, Hab loo maruu Leeyahay!!

engWaqtigan xaadirka ah, waxa si cad u muuqata in qaybo badan oo ka mid ah bulshada JSLuu ku dhaqanka Qabiilka iyo maan-dooriyaha Reer-hebelnimadu ay noqdeen Halbeegga iyo Min-qiyaaska jiheeya hab nololeedka iyo qaabka fikirka siyaasiga ah ee bulshada. Qabiilka, Reer-hebelnimada iyo ku dhaqanka Qabyaaladda ayaa ah Cadowga Koowaad ee ay leeyihiin Shacbiga JSL. Qabiilka iyo Reernimadu waxay Carqalad weyn ku yihiin hanaqaadka dareen-wadareedka-ummadnimo ee bulshada mideeya, isla markaana waxay inaga hortaagan yihiin inaynu mudnaanta iyo ahmiyadda koowaadba siino waddaninnimada, midnimada bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadeena.

Waxa nasiib darro inteeda leeg ah in bulshadeenna oo aynu oganahay waayaha iyo dhibaatada ina soo martay, uu hadana aad innoogu yar yahay Dareen-Wadareedka Waddaninnimo oo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso, halka uu Dareen-Wadareedka Qabiilka iyo Maan-dooriyaha Reer-hebel-nimadu uu bulshadeenna aad ugu xoog badan yahay, kaasoo ah cadowga koowaad ee Qarannimada. Haddaba, Ummadda JSL waa Bulsho doonaysa inay saddex hab oo aan is-qaban karin (Qabiil, Qarannimo iyo Hannaanka Xisbiyada iyo Dimuqraadiyad) ay hal mar wada adeegsato!! Waa ma dhacdo in saddexdan hab mar la wada adeegsado, hadafka iyo hiigsiga ay ummaddu leedahayna sidaa laguma xaqiijin karo. Waxa hubaal ah inay mar walba jiri doonto jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan bulsho oo joogto ah.

ALLAH ha u naxariisto Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” mar uu ka hadlayey xumaanta, dhibta iyo mashaakilka ay QABYAALADDU leedahay, maansadisii “Dugsi Ma Leh Qabyaaladi” wuxuu ku yidhi:

 

Dugsi ma leh qabyaaladi;

Waa dararta baahida;

Waa astaanta dib-u-dhaca;

Waa boog dalooshoo

Dadka maanka kaga taal.

Dirxi qudhun ku nool iyo

Waxa fadha nin daalin ah;

Damqa oo ku joogsada.

 

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”(AHUN), maansadiisii ERGO waxa uu ku yidhi:

“UF” qabiilka anaa leh;

Wuxuun baa ku adeegta

Nin iskii kartidiisa,

Isagoon cid ku tiirsan

Isu taagi karaynin;

Una haysta ateero

Ayaantuu dambi geysto

Laga hoos galo eedda!

 

Qarannimo miyeynu Qolonnimo ku doorsanaa??

Hadaf iyo himilo kasta oo ay ummadi leedahay waxa lagu gaadhaa waa Midnimada iyo Wadajirka Bulshada. Midnimada waxa lagu difaacaa karaamada, jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo laga tix-geliyo bulshada caalamka. Midnimadu waa xoog iyo awood adag oo aanu cadow kasta loodin karin. Haddii ay bulshadu mideeyaan maankooda, maskaxdooda, muruqooda iyo dareenkooda ummadnimo, waxa hubaal ah inay ka midho dhalin karaan hadaf iyo himilo kasta oo ay leeyihiin.

Aan indhaahdo hadda ka hor, Siyaasiyiinta u dhashay Jam. Somaliland, han iyo damac siyaasadeed kasta oo ay leeyihiin, waxay dhaqan u lahaan jireen inay mar walba u tanaasulaan halkay danta, nabadda iyo wada-noolaanshaha ummaddoodu ku jirto. Wanaagga, horumarka iyo xasiloonida aynu maanta ku naaloonaynana waa mid arrintaa salka ku haysa oo ku timid wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee ummadda iyo maslaxadda Qaranka oo mudnaanta la siiyo.

Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya Qofkii Hunguri ka hayo; hanashadiisu hab loo maray leedahay. Laguma hanan karo Qabiil, Qabyaalad, Gobolaysi, annagaa reer Hebel ah iyo hayaay waa markayagii midnaba. Laguma hanan karo cay, aflagaado, xaalad-abuur, qof ama qabiil nacayb, kala qaybin bulsho iyo ummadda oo la iska horkeeno. Bal aynu isweydiinnee ma jiraa qabiil ama beel iyagu odhan kara guud ahaanba Dalka Jam. Somaliland annagaa ugu badan oo waxaanu nahay 51% marka la eego dadka ku nool JSL? Waa kee qabiilka kalidood cod ku soo saari kara Murashaxa u tartamaya jagada M/weynenimada? Maxaynu uga guurnay nidaamkii hab-beeleedka ee aynu u qaadanay nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan haddii Siyaasiyiinteena hankooda iyo damacooduba ay weli ku salaysan yihiin Tollaay Yaa Reer Hebelaay?? Ma kula tahay nin qawaday Qarannimo, inuu Qolonnimo ku hanan karo Kursiga iyo Hoggaanka dalka? Ninka Xisbigii uu doorkee hore u codeeyey u arka inuu ku hongoobay, isagoon ummadda isku gubin oon odhan hayaay reer hebelow ka soo kacaay, maxaa u diiday inuu aayaruun Xisbi kale u diga rogto? Ma Qarannimo ayeynu Qolonnimo ku doorsannaa?

 

RABBI naxariistii Janno ha ka waraabiyee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), tixdiisii Gurmad (20/10/2005) wuxuu innagu hogo-tusaaleeyey sidan soo socota:

 

Xilligu waa goor wax-saar,

Gegaa lagu dheelayaa

Shacbigu ka gar-soore yahay.

Waxaa guul sheegan kara

Cidday u gartaan iyagu.

 

Haddaad Garas diiddan tahay

Ku koob dirirtaada Garas.

Ha nicin gobolkuu ka yimi!

Ha giijin xadhkaa ha jarin!

Ha goyn waxa laysku yahay!

 

Rag uu ka dhexeeyo geel

Hadduu kala geeyo damac

Waxaa isu geysa dane,

Allow garansii nin moog!

 

Magliga gacal loola baxay

Gondaa uma dhaadhacee,

Ha gaadhin laftoo ha jabin,

Afkaagana godob ka dhawr!

 

Mar baa jirta gumac la riday

Galaafto ninkii ridee,

Nin iinloow, daa gujada!!!

 

Ninkii hunguri ka hayo Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya waxaa looga fadhiyaa inuu la yimaado dulqaad, sabir iyo daacadnimo uu muujiyo; degenaansho, dedaal iyo hawl-karnimo uu la yimaado; muruq, maal iyo maskax uu u huro. Waxaa looga fadhiyaa inuu la yimaado aragti hoggaamiyenimo oo togan oo ku salaysan in quluubta iyo maskaxda bulshada wanaag la gashado; ka-wada-shaqaynta danta guud; wanaagga oo la isku guubaabiyo; wixii dalka iyo dadkaba u soo kordha oo lagu farxo la isuna bogaadiyo; wixii magac-xumo, sumcad-darro iyo meel ka dhac ku ah milgaha siyaasadeed ee Xisbiga ama wax u dhimaya haybadda Qaranka oo laga fogaado;

 

Ninkii hunguri ka hayo Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya waa inuu kala saaro saxa iyo qaladka, ka garaabo wixii xaqa ah, uu diido xumaanta, xaqdarrada iyo dulmiga, waa inuu ka xishoodo wixii magaciisa, ka dalkiisa, bulshadiisa iyo ka Xisbigiisaba dheg xumo u soo jiidi kara. Ninkii hunguri ka hayo Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya waa inuu bulshada JSL guud ahaan, gaar ahaana codbiyeyaasha ka dhaadhiciyo barnaamijka, hadafka iyo himilada hoggaamiyenimo ee isaga min-qiyaaska u ah ee uu ku soo bandhigayo inuu ku habboon yahay ama uu hanan karo talada iyo hoggaanka dalka ugu sarreeya.

Gebagabo:

Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka u dhashay JSL (muxaafid, mucaarid iyo dhex-dhexaadba), kuwaasoo qaar ka mid ahi ay xilal sare ka hayn jireen Xukuumadda M/weyne Ahmed Siilaanyo waxa la gudboon inay gartaan culayska uu leeyahay xilka ay bulshada u hayaan, isla markaana waa inay qiyaasi karaan saamaynta ay hadalladoodu ku yeelan karaan bulshada dhexdeeda. Guntii iyo Gabagabadii, Hadallada xanafta leh ee xaqiiqada ka fog ee ka soo yeedhaya Siyaasiyiinta iyo wax-garadka qaarkood, waa kuwo aan ku habboonayn xaaladda iyo khataraha colaadeed ee dalkeena ku wareegsan, waa hadallo u badan kicin iyo xaalad-abuur aan sinaba ugu adeeagayn danta iyo himilada guud ee Qaranka iyo dadka JSL. Ma qumana in wax walba laga dayo fursad siyaasadeed oo xukuumadda talada haysa lagu dhaleeceeyo ama lagaga aar-goosto.

 

ALLAA MAHAD IYO MUDNAAN BA LEH

Jam. Somaliland Ha Noolaato

W/Q: Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) <Birmingham, United Kingdom>