“Reer Buuhoodle Waxa Laga Rabaa Inay Tashadaan” Wasiir Xagal-toosiye

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo safar ku tagay magaalada Buuhoodle, ayaa shacbiga ku dhaqan magaaladaasi ugu baaqay inay isku tashadaan.

 

 

 

 

 

“Waxaan u imid oo aan ku socdaa waa safar shaqo la xiddhiidha oo haddaynu reer Buuhoodle nahay aynu tashano, siyaasado kala guur ah oo isku guur ah ayaa socda in aynu meel ka galno waa muhiim. Dhaqankeenu inta badan Miyibuu ka soo jeedaa reer Miyi baynu nahay, Ninka reer Miyiga ah meesha uu degen yahay marka Daaqsiintu ka xumaato wuu ka guuraa. Wuxuu u guuraa Guri wacan

 

 

 

Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu intaas ku daray  “Reer Buuhoodle waxa laga rabaa inay tashadaan, xaqiiqdaan idiin sheegayaa  in aynu tashano isku nimaadno oo meeshii danteentu ku jirto ee Dalsan ah in aynu isku raacno.”

 

 

 

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) waxa uu bogaadiyay Wasiirka cusub ee arrimaha guddaha ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay.

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa