“Reer Borama waxan leeyahay waxad tihiin tusaalihii Nabadda iyo horumarka Somaliland…..” Wasiir Xaglatoosiye

 

 

London (SLpost) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye ayaa dadka reer Boorama kula dardaarmay in ay nabada ilaaliyaan.

sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay arrimaha cali Khaliif Galaydh iyo qodobo kale, waxaanu sidaasi ku sheegay khudbad uu ka jeediyay madal lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Somaliland oo xalay ka qabsoontay Magaaladda London, waxaana uu yidhi ”Reer Borama waxan leeyahay waxad tihiin tusaalihii Nabadda iyo horumarka Somaliland, Waxana aan waxgaradka Reer Borama uga codsanayaa inaanay dadkooda dib u celin oo aanay Nabadda lagaga daydo Burburkeeda horseedin, Waanan ku faraxsanahay in Reer Booramihii Shalay Nabadda igu Dardaari jirey inaan Maanta Anigu ku waaniyo.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in Nabadda Somaliland taallaa tahay lama taabtaan, isagoo ammaan weynna dusha u saaray madaxweyne Siilaanyo,waxana uu yidhi,”Midnimada iyo nabadda Somaliland waa muqaddas, madaxweynuhuna waxa uu ku baaqay Nabad gogolna waa dhigay, waana madaxweyne wax garad ah oo jecel inuu dadka iskku wado, waanad igaranaysaan oo xago-toosiyaan ahayoo waxan ku imi Gogoshii uu madaxweynuhu dhigay.”

Dhinaca kale waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye ka Hadlay dhibaatada siyaasi Cali Khaliif ka wado Deegaannada Bariga Somaliland, waxana uu ugu baaqay inuu nabadda ka qayb qaato,”Cali Khaliif Waa Madaxweynaha Somaliland Saaxiibkii, waana nin weyn oo oday ahe ha yimaaddo oo dadkiisa wax ha u qabto Gogosha nabaddana waanu dhignay, laakiin waa ilaalinaynaa cidna ka oggolaan mayno inay nabadda wax yeelaan.”