Raysalwasarihii Liibiya Ee Bisha Hayay oo iscasilay kadib markii loo hanjabay

Liibiya(SLPOST)Raysalwasaarihii Kumeel Gaadhka ee dalka Liibiya Cabdullah Al Thinni ayaa xilka iska casilay kadib markii loo hanjabay isaga iyo reerkiisa.

thani-libye

Raysalwasaaraha ayaa istiqaaladiisa shalay (Axad) u gudbiyey Golaha Shacabka ee dalka Liibiya, isagoo sheegay in aanu aqbali doonin in xilka uu hayo ay u dhintaan dad reer Liibiya ah.

Iscasilaada ayaa timid sida la sheegayo kadib markii guriga uu degen yahay Raysalwasaaraha ay weerareen kooxo hubeysan, wallow weerarkaasi aan cidna wax ku noqon.

Raysalwasaaraha ayaa xilka hayey muddo ku dhaw 1 bil oo kaliya, waxaana xilka loo magacaabay kadib markii xilka laga xayuubiyey Raysalwasaarihii ka horeeyey Ali Saydan oo lagu eedeeyey inuu wax ka qaban waayey kooxaha maleeshiyaadka ee gacanta ku haya xarumaha shidaalka laga soo saaro ee bariga dalkaasi Liibiya.

Dawlada Liibiya ayaa xiligan lahayn ciidamo rasmi ah waxaana jira maleeshiyaad badan oo hubeysan kuwaasi oo khal khal ku haya amaanka dalkaasi isla markaana ka awood badan xukuumada.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland