Raysalwasaarihii hore ee Isra’il oo musuq maasuq lagu xukumay

Isr,iil(SLPOST) Ehud Olmert oo Raysalwasaare kasoo ahaa maamulka Isra’iiliyiinta 2006 – 2008 ayaa lagu helay danbiyo la xadhiidha musuq maasuq iyo laaluush.

olmert

Maxkamada ayaa sheegtay in Raysalwasaarihii hore lagu helay danbiyo ah inuu qeyb weyn ku lahaa lacag badan oo lagu lunsaday dhismaha guryo laga dhisay magaalada Barakeysan ee Qudus.

Madaxa Maxkamada Isra’iil ayaa sheegay in danbiyada musuq maasuqa ah ee lagu helay Ehud Olmert ay muujineyso baaxada uu leeyahay musuq maasuqa ka dhex jira maamulka Isra’iil.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in maxkamada shaaciso inta sannadood ee lagu xukumi doono Ehud Olmert iyo kooxdii maxkamada lala soo taagay.

Ehud Olmert ayaa lagu xasuustaa dagaalkii uu ku qaaday koonfurta Lubnaan sanadkii 2006 iyo weerarkii xukuumadiisa ku qaaday marinka Gaza sanadkii 2008.

Maxkamada Isra’iil ayaa hore xabsiga u dirtay Madaxweynihii hore oo loo heystay isaguna danbiyo la xadhiidha kufsi.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland