Raysalwasaare Abiy Ahmed oo soo Af-jaray Khilaaf u dhexeeyey Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Axmed Shide

Addis Ababa (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa soo gaba gabeeyay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar iyo guddoomiyaha Xisbiga ka taliysa DDSI ee Axmed Shide oo khilaaf soo kala dhex-galay.

 

Madaxda uu fadhigoodu yahay magaalada Jigjiga, ayaa shalay looga yeedhay xafiiska raysalwasaaraha Itoobiya ee magaalada Addis Ababa, kaddib markii maalmihiiu dambeeyey la shaaciyey khilaaf xooggan o soo kala dhex-galay labada masuul, waxaanu raysal-wasaare Abbay la yeeshay hoggaamiyeyaasha Ismaamulka Soomaalida shir ay albaabada u xidhan yihiin oo aan la shaacin waxyaabaha lagaga hadlay.

itoobiya

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin qodobadii ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeeddada kulankooda ay ku saabsaneyd khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo guddoomiye Axmed Shide.

 

Haddaba, markii uu shirka dhammaaday, ayaa macluumaad aan faahfaahin buuxda lahayn iyo sawirrada masuuliyiinta shirka ka qayb-galay waxa la soo dhigay baraha xidhiidhka bulshada.

 

Bogga uu xafiiska raysal-wasaaraha Itoobiya ku leeyahay Facebook-ga, waxa lagu daabacay sawirro muujinaya saddexda mas’uul oo is garab taagan isla markaana dhoolla caddeynaya.

 

“Waa in laga wada shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka,” sidaas waxa lagu yidhi qoraal la soo raaciyey sawirrada masuuliyiinta.

 

Waxa xusid mudan in Raysal-wasaare Abiy Axmed uu safar Dibadda ah ku maqnaa intii uu maalmihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.