Raysalwasaaraha Turkiga oo ku Hanjabay Tallaabo ay Dawladdiisu ka Qaadayso Dawladda Israel

jawaabHargeysa (SLpost)- Raysal-wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku gooddiyey in dalkiisu ka hawl-gali doono sidii uu Maxkamadda Caalamiga ah Dambiyada ugu gudbin lahaa dacwad ka dhan xasuuqa dawladda Israa’iil ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku dhaqan Marinka Gaza.

Waddanka Turkiga oo xubin ka ah gaashaan-buurta NATO ee Maraykanku hoggaamiyo, ayaa ka mid ahaa saaxiibbada ay aad isugu dhow yihiin dawladda Yuhuudda, haseyeeshee xaaladda ka soo cusboonaatay dhulka Falastiiniyiinta, ayaa sababtay kala-fogaansho soo kala dhex-galay xidhiidhka labada waddan.

“Wakhtigan, Xamaas way u diyaarsan tahay wax walba si loo helo xabba-joojin, madaxweynaha Falastiina waa u diyaar xabba-joojin,” sidaa waxa yidhi Raysal-wasaare Erdogan oo u warramay Telefishanka CNN.

“Laakiin Israel uma muuqato inay Israa’iil diyaar u tahay, waxaanay sii waddaa inay daadiso dhiigga shacabka Falastiiniyiinta,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha dalka Turkigu.

Hadalka Raysal-wasaare Erdogan ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib markii uu ku eedeeyey dawladda Israa’iil in duullaankooda Gaza uu dhaafay hab-dhaqannadii iyio xasuuqii uu geystay Hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler xilligii dagaalkii labaad ee Adduunka.

“Haddii Israa’iil sii waddo hab-dhaqankeeda, waxa aanu ka dacwayn doonaa Maxkamadaha Caalamiga ah,” ayuu yidhi Erdogan oo boqolaal Qof oo taageerayaashii ah kula hadlayey magaalada dhinaca Koonfureed ee dalkaas ku taala ee Mersin.

“Waynu Arki doonaa inay tani dhacdo, Turkiguna wuu u halgami doonaa qaddiyaddan, ayuu hadalkiisa raaciyey isaga oo ujeeddada hadalkiisu ahayd in dawladdiisu halgan xooggan u geli doonto dacwad ka dhan ah Israa’iil oo maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada loo gudbin doono.

“Waa la wada ogyahay in Israa’iil ay wali taageero iyo difaac ka haysato reer Galbeedka, duniduna way ka aamusan tahay. Sidaa awgeed, annagu kama sii aamusnaan karno, mana ahaan doono qaar ka aamusan arrintan,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha Dalka Turkigu.

Hadalka Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli dalka Turkiga looga diyaar-garoobayo doorashooyin uu Mr Erdogan ka rejaynayo inuu guul wax ku-ool ah ka gaadho, waxaanay noqonaysaa doorashadii u horeysay dalka Turkiga ee Madaxweynaha dalkaas ay shacabku doortaan, iyada oo markii hore Baarlamaanka gudihiisa laga dooran jiray Madaxweynaha oo isagu magacaaba Raysalwasaaraha dalkaas.

SOMALILANDPOST.NET