Raysalwasaaraha Ruushka oo reer Galbeedka uga Digay inay Weeraraan Iiraan, ballan-qaadayna inay ka hortagayana haddii ay taasi dhacdo

Moscow, 26 February, 2012 (SLpost)- Raysal wasaaraha dalka Ruushka  Mr Vlamadir Putin  ayaa cabsida iyo shakiga  ay dawladaha reer galbeedku  ka muujinayaan barnaamijka Niyukliyeerka  ee dalka  Iran, ku tilmaamay inuu  yahay mid marmarsiinyo ah  oo ay  ku doonayaan in ay  burburiyaan  nidaamka dawladeed  ee ka dhisan  dalka Iran.

Mr  Putin  waxa  kale oo uu sheegay in dawladda  Ruushku   is hor taagi doonto  qorshe kasta  oo ay  wataan dawladaha reer galbeedku  ee ku wajahan  sidii ay  u burburin lahaayeen dawladda ka jirta dalka  Iran.

Geesta kale,  Mr  Putin  waxa  uu eedeyn u soo jeediyey  hay’adda  Qaramada  Midoobay  u qaabilsan  quwadda atoomikada ee magaceeda loo soo gaabiyo (IAEA), isagoo ku sheegay inay  u xuub-siibatay  fulinta  danaha dawladaha reer  galbeedka  oo ay ka tagtay  Hay’ad caalamka  u dhaxaysa.

Hadalkan Mr  Putin ka soo yeedhay  waxa uu ka dembeeyey markii wafti ka socda hay’adda  Qaramada Nidoobay  u qaabilsan  quwadda  Atoomikada  ka soo laabteen  dalka Iran, iyagoo sheegay  in loo diiday  inay  goobo  milatari booqdaan.

SomalilandPost.net

contact@somalilandpost.net