Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Raaligalin Ka Bixiyay Arin Dhawaan Dhacay

Haile Mariam Desalegn

Itoobiya(Slpost)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa raali galiyay iska hor imaad dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dadka Oromada, laakiin wuxuu ku eedeeyay danbiga kooxo ka soo horjeeda nabada.

Ilaa laba boqol iyo konton ayaa lagu dilay mudaaharaad la sameeyay.

Isagoo telefishinka ka hadlayay ayuu sheegay in dad mayal adag ay ka dhex abuurayaan dagaal dad waqti badan isla daganaan jiray si nabad ah qarniyo badan.

Wuxuu sheegay dowladda inay qaadi doonto kordhin doonto ka hortagooda.

Mudaaharaadyada looga soo horjeeday in magaalada Addisababa lagu balaariyo dhul ay degaan dadka Oromada, ayaa sii socday inkastoo markii la hakiyay qorshaha bishii Janaayo.