Raysalwasaaraha Ingiriiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

London, 22 February, 2012 (SLpost)- Ra’isal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameroon ayaa Maanta si gaar  ah ugu qaabilay Xafiiskiisa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” iyo Weftiga uu hogaaminayo ee Ku Sugan Magaalada London.

Banaan bax aan weli noociisu hore uga dhicin dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu beegay xili uu Ra’isal Wasaaraha Ingiriisku isu diyaarinayay Kulan uu la yeelanayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xubnaha Weftigiisa .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” ayaa isaga oo ay wejigiisa ka muuqato farxad aad u balaadhan waxa uu Salaan gacan qaad ah la dhex maray banaan baxayaasha oo u taagnaa safaf dhaadheer isla markaana ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayaan Jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay Ra’isal Wasaaraha Uk ayaa ahaa mid ay  labada dhinac  kaga wada hadleen arrimo badan oo taabanaya iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska .

Waxaa kale oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo uu gelinkii hore la kulmay Wasiirka Horumarinta Iyo Iskaashiga ee dawlada Biritayn Andaruu Misheel.

Dhinaca kale Ra’isal Wasaaraha Dawlada Ingiriiska David Cameroon ayaa waraysi uu siiyay idaacada BBC World Service, waxa uu qiray inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Somaliland samaysay gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha,dhismaha bulshada iyo hirgelinta tiirarka dawladnimo ee aasaaska u ah Jiritaanka dal ka mid ah adduunka.

SomalilandPost

contact@somalilandpost.net