Raysalwasaaraha Canada Oo Muslimiinta La Tukaday Salaad Maqrib Iyo Sheekh La Maseeyey Boqorkii Itoobiya Ee Asxaabtii Nebiga (SCW) Badbaadiyey 

Ottawa (SLpost)- Fiidyoow dhowaan warbaahinta Canada iyo kuwa caalamiga ahiba baahiyeen ayaa muujiyey raysalwasaaraha dhowaan loo doortay dalka Kanada Justin Trudeau oo ku jira gudaha mid ka mid masaajidda ku yaalla dalkiisa, isaga oo dhex fadhiya una sheekaynaya Muslimiin uu la tukaday salaad Maqrib. Talefishanka Al-Carabiya oo si gaar ah dabagal ugu sameeyey Fiidyowgan ayaa sheegay in sawirradan la qaaday sannadkii 2013ka , isla markaana lagu baahiyey degellada Internet ka ee Canada iyo meelo kale oo uu ugu dambeeyey degelka cljnews oo Yuhuudda Kanada ay leeyihiin.

Raysalwasaare Justin Trudeau oo ah 44 jir saddex carruur ah dhalay, xilligaas uu masjidka booqday raysalwasaare ma’ uu ahayn, balse waxa uu ahaa hoggaamiyaha xisbiga awoodda badan ee Liberal ka, waxa aanu booqday masjid ku yaalla magaalada Surrey ee galbeedka fog ee Kanada dhacda, sida muuqaalkan laga arkana waxa uu ku labbisan yahay dharka muslimiintu xidhaan. Cajaladda waxaa laga arkayaa Justin Trudeau oo khudbad kooban oo uu ku bilaabay salaanta Islaamka u jeedinaya dadka uu masjidkan kula kulmay, kadib markii uu salaaddii la tukaday, waxa aanu uga mahadnaqay in ay masaajidkaas ugu casuumeen. Xilligaas oo Ramadaan ku beegnayd ayaa sida uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya waxa uu Justin Trudeau la afuray muslimiinta masjidka ku sugnayd, “Qiyamka Ramadaanku sidoo kalana waa qiyamka Canada” ayaana ka mid ahaa hadalladiisa.

Justin Trudeau oo jagada raysalwasaarenimo ku guulaystay doorashadii bishii Noofambar 2015ka, ayaa la sheegay in uu marar kala duwan booqday masaajiddo ku yaalla dalkiisa in kasta oo aanu sida markan salaad la tukan, waxa aana lag utilmaamaa nin in uu dedaal adag ugu jiraa sidii uu dalkiisa ugala dagaalami lahaa, is-kooxaysiga iyo Cunsuriyadda, iyo in sigaar ah niyadda loogu dejiyo dadka muslimiinta ah, “Muslimiintu qayb aad u muhiim ah ayaa ay ka yihiin bulshada Kanada”

Warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa intaas ku daraya in Sheekh Shacbaan Shariif Maadi oo imam iyo masuul ka ah masaajidka iyo xarunta Islaamiga ah ee magaalada Edmonton ayaa khudbad uu jeediyey, waxa uu si aad ah ugu ammaanay raysalwasaaraha Kanada Justin Trudeau oo uu ku sheegay, “Najaashiga Casrigan” isaga oo la masaynaya boqor Najaashi Asmaxah Bin Abjar oo ahaa boqorkii Itoobiya ee Kiristaanka ahaa ee xilligii Nebi Muxammed (SCW) qaabilay, koox ka mid ah asxaabtii Nebiga (SCW) oo iyaga oo ka soo firdhaday dhibkii Quraysh dalkiisa soo magangalay, sida taariikhda ku cadna uu si aad ah u soo dhoweeyey una difaacay, illaa ay nabad qab dib mar dambe ugu soo noqdeen dhulkoodii. 

Xigasho Geeska Afrika