Raysal Wasaarihii Hore Ee Masar Axmed Shafiiq oo sheegay in Gen.Sisi uu musuq maasuqi doono Doorashada Masar

Masar (SLPOST)Raysalwasaarihii hore ee dalka Masar Axmed Shafiiq oo la filayey inuu isu sharaxo doorashada Madaxweynaha ayaa cod laga duubay ku sheegay in hogaamiyaha Militariga Cabdifatax Al Sisi uu musuq maasuqi doono doorashada soo socota.

axmed-shafiiq

Axmed Shafiiq oo lagu waday inuu markale isu soo sharaxo doorashada Madaxweynaha Masar ayaa cod laga duubay lagu faafiyey shabakad uu leeyahay ururka Ikhwaan Muslimiinka.

Codkan laga duubay Axmed Shafiiqi ayuu ku sheegay in hogaamiyaha Militariga Masar Cabdifatax Al Sisi uu musuq maasuqi doono doorashooyinka Madaxweynaha, isla markaana doorashadaasi noqon doonto mid magac-u-yaal ah.

Axmed Shafiiq ayaa sheegay inuusan xilka Madaxweynaha isu sharaxi doonin hadii Cabdifatax Al Sisi uu kamid yahay murashaxiinta, maadaama uu hogaamiyaha militariga hadaba maamulo dalka Masar isla markaana musuq maasuqi doono natiijada.

Axmed Shafiiq ayaa xilka Raysalwasaaraha soo qabtay sanadkii 2011 xiligii ay dalka Masar ka bilowdeen banaanbaxyada looga soo horjeeday Xusni Mubaarik, wuxuuna xilka iska casilay muddo bil ka dib ah markii Mubaarik xilkaasi u magacaabay.

Axmed Shafiq oo sidoo kale horey usoo qabtay xilka Taliyaha Ciidamada Cirka Masar iyo Wasiirka Duulimaadka, ayaa doorashadii Madaxweynaha ee sanadkii 2012 ka qeybgalay waxaana codad yar uga guuleystay Maxamed Morsi oo ka socday xisbiga Ikhwaan Muslimiinka.

Axmed Shafiiq ayaa u baxsaday dalka Imaaraadka Carabta dhamaadkii sanadkii 2012 kadib markii xeer illaalinta dalka Masar kusoo oogtay danbiyo.