Raysal-Wasaaraha Itoobiya Oo Si Taxader Leh Uga Hadlay Wada-hadallada U Dhexeeya Somaliland Iyo Somalia

(SL.Post) Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Hailemariam desalegn, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Wada-hadallada u dhexeeya Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo u warramay Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka tirsan Telefiishanka Universal, ayaa sheegay inay Dawlad ahaan ay Dhiiri-gelisay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wallow in muddo ah Hakad ku jireeen.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya wuxuu amaanay Madaxweynaha Soomaaliya, “Aniga waxa aad ii dhiirigaliyay, tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha talada haya, ee uu ku sii ambaqaadayo wada-hadalkii u dhexeeyay Maamulka Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha Itoobiya, waxaanu intaasi ku daray in Arrimaha ay ka wada-hadlayaan ay yihiin wax iyaga u yaalla, “Arrinta u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya waa mid iyaga u taalla.”

Wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo hakad-galay badhtamaha Sannadkii hore 2016-dii, ayaan illaa hadda dib u bilaabmin.

Dawladda Itoobiya ayaa ka mid ah Dawladaha jaarka la ah Soomaaliya iyo Somaliland ee sida dhow isha ugu haya Wada-hadalladan.

 

Somalilandpost.net