Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo wacad ku maray inay qaadayaan tallaabo kasta oo ay kusoo furan karaan Haweenayda Al-Shabaab ka haysato

Muqdisho, (SLpost)- Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa wacad ku maray in dawladdiisu ay qaadayso tallaabo kasta oo ay kusoo furan karaan Haweenay u dhalatay dalkaasi oo loo tuhunsan yahay inay Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta Soomaaliya toddobaadkii hore ka afduubeen dalka Kenya oo ay dalxiis ku tagtay.

Sida lagu daabacay Wargaysa Daily Telegraph oo kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Ra’iisal wasaaraha dalkaasi David Cameron ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumaddiisu ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu soo badbaadin karo Haweenayda u dhalatay dalkaasi oo dhawaan kooxo hubaysan ay ku afduubteen gudaha dalka Kenya.

Judith Tebbutt oo ah Haweenayda la qafaashay ayaa la sheegay inay gacanta u gashay dabley hubaysan xilli iyada iyo saygeeda oo ay dileen kooxahaasi ku sugnaayeen Jaziiradda Lamu ee dalka Kenya.

David Cameron ayaa la sheegay in uu xidhiidh la sameeyay Mas’uuliyiinta Safaaradda Ingiriisku ay ku leedahay dalka Kenya, waxaana ay xuseen in wali baadhitaanno ay ku hayaan goobta lagu haysto Haweenaydaasi ay afduubteen kooxaha hubaysan, isla markaana dilay Seygeeda oo lagu magacaabi jiray David.

Ra’iisal wasaaraha dowladda Ingiriiska ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in Ciidammo Sirdoon ah la geeyo dalka Kenya si ay u baadhaan halka lagu haysto Haweenaydaas, waxaana illaa iyo imminka socda baadhitaanno lagu xaqiijinayo goobta lagu haysto Haweenaydaasi oo wararku qaar ay sheegayaan inay Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab ku haysato Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay uu Ra’iisal wasaaraha dowladda Ingiriiska David Cameron uu shaaca ka qaado in tallaabo kasta oo lagu soo badbaadin karo haweenayda u dhalatay dalkiisa ay qaadayaan. Hase ahaatee, illaa iyo imminka ma cadda cidda sida rasmiga ah gacanta ugu haysa Haweenayda u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu magaaabo Judith Tebbutt, isla markaana da’deedu la sheegay 56-jir. Inkasta oo ay dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay afduubka gabadhaas ku eedaysay Malleeshiyada Al-Shabaab.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net