Raysal-Wasaaraha Ingiriiska Oo Ka Dhawaajiyay Lacagta Ay Ugu Deeqaan Soomaaliya Inay Ugacanta Gasho Kooxda Al-Shabaab

London (SLPOST):- Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron,ayaa sheegay in lacagta ay ugu deeqaan dalka Soomaaliya ee ay dagaaladu aafeeyeen  inay u gacan gasho kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya isla markaana aan loo isticmaalin sidii ay ugu talo galeen kana baxdo gacanta Dawladda.

dived

Dowladda Ingiriiska oo sanad kasta lacag gaadheysa 90 Million  oo Dollar ugu yaboohda Waddanka Soomaaliya, ayaa tilmaantay  in lacagahaasi oo ay ugu tala gashay in wax lagaga qabto xaaladaha Beni-aadannimo ay gacanta u galaan  dagaalyahanka Al-Shabaab.

 Raysal-wasaaraha dowladda Britain David Cameron, ayaa sheegay in lacagta gar gaarka ah ee ay siiyaa Soomaaliya aanu sidii loogu tala galay loo maareyn howlaha samafal  ee ay ku bixiyaan laakiin ay gacanta u galaan  Al-Shabaab.

Dawladda Ingiriiska,ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso dhaqaalaha ay siinayso Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee loogu fulin karo arrimaha samafal ee ay ugu talo galeen.

Hadalka Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron,ayaa saamayn weyn ku yeelan kara  Dawladda Soomaaliya isla markaana sabab u noqon karta inay Dawladda Soomaaliya inay weydo lacago badan oo ay ka hesho dawladaha ka taageera dhanka dhaqaalaha.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland