Raysal Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan Waa Gees Ka Dhex Muqda Dunida Muslimka Waxaa kaliya U Hadhsan Inuu Ku Dhiirado Aqoonsiga Somaliland – By Wariye Cabdilaahi Cismaan

photoSafarka madaxwayne Axmed siilaanyo Iyo waftigiisi uu hogaaminayay ee ay ku Tageen dalka Turkiga waxaa uu ahaa mid ka gadisan kuwii hore qaabka ay u approached gareyeeen oo ahaa mid heer sare ah waxaa madaxwaynaha Iyo waftigiisi soo dhaweeyay raysal wasaaraha Turkiga oo waliba si fiican oo aan Haba yaraate wax hagrasho ahi ku jirin u qaabilay.
Hadaba sida uu madaxwaynaha somaliland sheegay in kulankii Iyo Isla gorfayntii marka uu soo dhamaaday ay Isla afgarteen labada dal ee Turkiga Iyo somaliland in halkaa laga sii ambo qaado oo dalka Turkigu wafti uu hogaaminaaya raysal wasaare ku xigeenka Turkiga loo soo diro somaliland si ay iskaashiga labada dal Usii xoojiyaan”.
Sidoo kale dalka Turkiga ayaa somaliland ka furan doona safaarad waana markii ugu horaysay ee tan Iyo intii somaliland la soo noqotay xornimadeedii dalka Turkigu ka furto safaarad Iyo xafiisyo dalka somaliand .
Dalka Turkigu waa dallwlad qadiim ah waxana la qaban karta somaliland hadii uu ku dhiirado Inuu fuliyo dhinaca horumarka ee aan u bahanahay in laga fuliyo somaliland waxaa uu ka heli doona soo dhawayn fiican shacabka reer somaliland waxay aad Iyo aad u jecel yihiin shacabka dalka Turkiga Iyo dawladoodba”.
Waxaa dalka Turkiga Iyo raysal wasaarihiisa looga baahan yahay Inuu ku dhiirado aqoonsiga somaliand oo uu Isku dayo Inuu si dhexdhexaad ah Uga garnaqo Wada hadalada somaliland Iyo Somalia ee dhawaan ka furmi doona dalkiisa.
Raysal wasaaraha dalka Turkiga waxaa looga bahanyahy Inuu ogaado Waxa shacabka Iyo dawladdoodu rabaan in ay Tahay aqoonsi ee aanu ahayn Isku biir dhibaato dhaawac burbur xasuuq loo gaysto shacabka reer somaliland oo aan jecelahay hada Inuu aad dalka Turkigu Uga dharagsanyahay dhibaatada ay Somalia usoo gaysatay ee ahayd xasuuqii ba’ana ee ka dhacay gabi ahaanba dalka somaliland ha sii kala xumaadeene.
Hadaba guushu waxay raaci doonta cida loogu garnaqo si xaq ah ee ma raaci doonto xaasid Iyo danbiile dalka somaliand hore dhibaato ugu gaystay hadana ku haya dhibaato kale oo maalin walba waraaqo dacwad ah u qoraaya caalamka si aanay shidaal Iyo hurumar ula soo baxin kuna doona Inay ka mid Tahay somaliland d Somalia oo been ah Iska sheegasho ah waxana anay ka jirin somaliland Tahay Qaran jira .
Dalka somaliand Iyo madaxdiisa waxaa la gudboon Inay ka digtoonadan khiyaamo ay Somalia ku samayso waayo waxaan arkayay hawaddii dawladaha somaliland Iyo Somalia ee ay hore Uga heshiiyeen in laga xukumo somaliand oo hadana muqdisho laga xukumi doono .

Waa in madaxda somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay ruuug cadaaga ku soo jiray halganka inta badan ee hadana haya Hogaanka dalka mundane. Madaxwane Axmed Maxamed Maxamuud (siilanyo)oo aan cidna khiyaamayn karayn Lakiin beenta Somalia u sheegi doonto markale ha ka digtoonaadeen.

Dhamaad………….

Bye Wariye Cabdilahi Cismaan

Email :wariyecabdilahi@gmail.com