Raysal-wasaaraha Britain oo soo bandhigay Sababihii ku Dhaliyey Go’aanka ay Dalkooda kaga mamnuuceen Isticmaalka Jaadka

Cameron18London (SLpost)- Raysal-wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa go’aanka xukuumaddiisu ku mamnuucday Jaadka ku sababeeyey markii ay ogaadeen kala badh Soomaalida ku nool dalkaasi inay isticmaalaan cunitaanka Jaadka, taasina ay keentay burbur ku yimaadda qoysas badan.

Mr. Cameron oo qoraal uu kaga hadlayo sababaha xukuumadiisu u joojisay ka-Ganacsiga iyo Cunitaanka Jaadka oo lagu daabacay daabacay warbaahinta, waxa uu sheegay inay Soomaali badan soo-dhaweysay go’aanka ay qaateen.

“Iyadoo laga yaabo in loo isticmaalo munaasabadaha gaarka ah dalalka qaarkood sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, laguna qiyaasay in ku dhow kala badh Soomaalida ku nool Britain inay cunaan Qaadka, tobankii qof-na uu midkood maalin walba cuno,” ayuu yidh Mr Cameroon.

Raysalwasaare Cameron waxa uu sheegay in waajibka koowaad ee xukuumad ahaan saarani yahay ilaalinta iyo suurto-galin nolol caafimaad qabta oo bulshadoodu ku hesho. “Waxa jiray dad noo sheegay inay khalad ahayd talaabadii lagu mamnuucay cunitaanka qaadka, balse waxaan aaminsanahay inay khaldan yihiin, maadam ay difaacayaan wax halis ku ah naftooda iyo qoysaskooda.”

Dalka Ingiriiska oo ka mid ahaa waddamada Yurub ee Jaadka laga dhoofiyo dalka Kenya iyo waddamo kale oo Afrika ah uu haystay suuq xor ah, balse waxa uu go’aanka joojintiisu yimi markii ay xukuumada Reysal-wasaare David Cameroon u gudbisay baarlamaanka xeer dhigaya in dhammaan dalkaasi laga joojiyo, kaas oo muddo sannad iyo dheeraad ah qaatay in laga go’aan ka gaadho.

Maalintii shalay ee 24 June, waxa hirgelay go’aan hore loogu muddeeyey inuu gebi ahaanba isticmaalka Qaadku mamnuuc ka yahay dalka Ingiriiska.

SOMALILANDPOST.NET