Raysal-wasaarah Somalia Oo Ka Digay In Wadamo Shisheeye Ay Fara-geliyaan Doorashada

(SL.Post) Raysal-wasaaraha dowlada federaalka Somaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharkmarke,  ayaa ka digay waxa uu ugu yeedhay faragelinta ay dalalka deriska ah ku hayaan doorashada Soomaaliya.

cumar-cabdirashiid

Sharmarke oo ka mid ah 24 qof oo u tartameysa madaxweynanimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay waddamada ku deeqay ciidammada AMISOM inaanay uga faa’iideysan kaalmadaasi dhanka amniga ah inay ku farageliyaan arrimaha siyaasadda Soaomaaliya.

”In musharrax gaar ah ay culeyskooda isugu geeyaan si ay u taaageeraan oo ay taageera uga raadiyaan maamul goboleedyada sax ama ahan. Waxaan ka dalbanayaa in dalalka deriska ah ay ixtiraam u muujiyaan Soomaaliya oo ay faraha naga qaadaan.” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo dhawr jeer dib loo dhigay ayaa lagu wadaa in qabsoonta 8 bisha Fberuary.

Somalilandpost.net