Raxmaadka Gu’ga oo galabta ka curtay deegaamo ka tirsan Gobollada Awdal iyo Gabiley

Hargeysa, 30 March, 2012 (SLpost)- Roobabka Gu’ga ee sannadkan ayaa si toos uga curtay deegaamo door ah oo ka tirsan Gobollada Gabiley iyo Awdal oo muddooyinkii ugu dambeeyey xaalad abaareed  ka taagneyd.

Roob lagu qabowsaday ayaa Lixdii Makhribnimo ka da’ay Magaalada Boorama kaas oo ku teedsanaa deegaamada u dhexeeya magaalooyinka Borama iyo Dilla.

Roobka oo si wanaagsan u helay Boorame

Dhinaca kale, xilli ku beegan Abaarro Lixdii Fiidnimo ayey roobab googoos ahi ka da’een Degmada  Togwajaale, Geed balaadh, Iyo Diin goobaale oo dhamaantoodba  ka tirsan Gobolka Gabiley. Sidoo kale, roobabku waxay ka da’een deegaamo ka baxsan Xadka Somaliland ay la wadaagto Itoobiya ee dhinaca gobolka Gabiley.

Raxmaadka Gu’ga ee sannadkan ayaa dhabarka ka jebinaya Jiilaal adag oo ka taagnaa Guud ahaan Gobolada dalka, kadib markii xili roobeedyo di’i jiray xiliyadoodii ka baaqdeen.

Guud ahaan dadweynaha ku dhaqan Gobolada Gebilay iyo Awdal ayaa Eebbe uga mahadceliyay Curashada roobka  Gu’ga  ee Sannadkan isla  markaana Illaahay ka baryay inuu dalka oo dhan ka saara abaarta adag ee ka taagnayd raxmaadkiisana ku maansheeyo.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland