Ramadaanta Iyo Ramadkeeda! (Qaybta 2aad) – Qalinkii Guuleed Cumar Madar

Waxa aynu ku soo qaadanay qoraalkii hore soonka iyo cidda uu ku waajibay oo aynu sii dhamaystirayno qoraalkana.

Waxa uu ku waajibay soonku qof kasta oo muslim ah , caqli leh, qaan gaadh ah, lab iyo dhadigba , inuu soomo awoodaya .

Waxa aanu faral ku ahayn soonku qofka gaalka ah, ilmaha yar, gabadha caadada leh ama dhiiga dhalmada, qofka bukaanka ah .

Ilmaha aan qaan gaadhin waa uu soomi karaa haddii aanu dhibay soonku, saxaabadii rasuulka alle haka raali ahaadee , waa ay soomin jireen caruurtooda ilaa ay gaajo darteed ooyaan ka dibna waxa ay siin jireen waxyaabaha caruurtu ku ciyaarto si aanay gaajada u dareemin.

Waxa aanu ku waajibin soonku qofka aan caqliga lahayn , sida qofka waalan , qofka wayn ee asaasaqay .

Waaajib kuma aha soonki qofka xanuunsanaya ee uu hayo xanun aanu islahayn waad ka bogsanaysaa , isaga oo lagu leeyahy quudin uu maalin kasta oo ramadaana quudinayo qof aan waxba haysan.

Qofka bukaanka ah ee rajaynaya inuu ka caafimaadayo bukanka waa uu iska cuni karaa , marka uu caafimaadana qalle ayaa lagu leeyahy intii malmood ee dhaaftay.

Gabadha urka leh ee tamar darri awgeed ama culayska ilmaha ay caloosha ku sido awgii u soomi kari wayday, ama caanaha ilmaha yar ay jaqsiinayso aya yaraanayaan haddii ay soonto , waa ay iska cuni kartaa waxana lagu leeyahy in ay qallayso marka ay daahir noqoto ilamaha yarna dhigto .

Qofka safarka ku jira haddii aanu safarkaasi ahayn mid uu ramadaanta kaga meeraysanayo , safarkaasi uu aad u dheer yahay , soonkana aanu awoodayn, waa uu iska cuni waxaa lagu leeyahy in uu qalle sameeyo marka uu dhamaysto safarkiisa .

Gabadha caadada leh ama dhiiga dhalmada , waajib kuma aha soonku , haddii ay sontana kama ansaxayo hadii leedahay labadooda mid haba ahaato il-bidhiqsi kaliyaata e , waa inay soo maydhataa inta aan la suxuran.

Qofka ka caajisay ama ka tamar yaraaday in uu soomo , wayni da’a awgeed ama ama xanun caajiska oo kale ah , waa uu iska cunayaa isna , waxa lagu yeelanayaa qalle isagana.

Lasoco qaybaha dambe

Qalinkii :Guuleed Cumar Madar

Guuleed_Madar@hotmail.com