Ra’isal Wasaaraha Dalka Masar iyo Wasiir Ku Xigeenka Gaashandhiga Dalka Sacuudiga Oo Si Isku Mid Ah Ugu Henjabay Dalka Ethiopia

Qaahira (SLpost)– Wasiir ku xigeenka gaashandhiga dalka Sacuudi Arabiya Khaalid Binu Suldaan Ibnu Cabdicasiis Al Sacuud oo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kaga qayb gallaayey shirka biyaha iyo tamarta ee dalalka carbeed wuxuu ka jeediyey hadal aad u adag oo ka cadhaysiiyey dawladda Ethiopia.khaalid

Amiir Khaalid wuxuu ka hadlay dhaam ama gabi biyood oo dawladda Ethiopia ay ka samanayso meel u dhaw xuduudka Ethiopia la leedahay dalka Sudan kaasi oo haddii uu fataho gebi ahaanba qarqinaya dadka ku nool caasimadda dalka Sudan ee Khartoum khatarna ku ah nolosha dadka reer Sudan, Amiir Khaalid wuxuu farrriin adag u diray dawladda Ethiopia isagoo sheegay in haddii ay dawladda Ethiopia ku adkaysato inay sii wado mashruucaasi ay taasi keeni doonto in dawladiisu ay gacan militery qaadi doonto.

Wasiir ku xigeenka gaashandhiga dalka Sacuudi Arabiya wuxuu sheegay in dhaamkaasi ama gebigaasi biyaha ay Ethiopia ku qabanaysa uu yahay mid siyaasadaysan oo la doonayo in lagu cabsi geliyo dalka muslimka ah ee ayuu yidhi Sudan “raali ka noqon mayno arrin siyaasadaysan oo lagu cabsi gelinayo walaalahayo Sudan haddii arrintaasi sii socotana dawladda Sacuudi Arabiya diyaar ayey u tahay tallaabo kasta oo lagaga hor tagayo” ayuu yidhi Amiir Khaalid.

Hadalka wasiir ku xigeenka gaashandhiga Ethiopia ayaa si weyn waxaa uga cadhooday dawladda Ethiopia oo u yeedhay safiirka Sacuudi Arabiya u fadhiya magaalada Addis Ababa taasi oo keentay in maalinta berri ah wasiirka maaliyadda dalka Sacuudi Arabiya uu booqasho ku yimaado magaalada Addis Ababa.

Somalilandpost.net/London