Rai’sal wasaaraha Australia oo digniin bixiyay

Autaralia(SLpost)-Rai’sal wasaaraha Australia ayaa digniin ku bixiyay in uu dalka galin doono Doorasho la soo horumariyay,Autaralia waxay qaban doontaa doorashooyin deg deg ah bisha July hadii aqalka sare ee baarlamanku furdaamin waayo is mariwaaga taagan isla markaana ansixin waayo laba xeer oo kuwa shaqaalaha ah.

Aqalka Sare wuxu diiday xeerar qabyo ah oo aqalka hoose u soo gudbiyay oo la doonayay in dib loogu dhiso hay’adda maaraynta iyo la socodka warshadaha.

raysal wasaare

Ra’isal wasaaraha dalka, Malcolm Turnbull, ayaa ka codsaday gudoomiyaha guud ee labada aqal inuu uga yeedho xubnaha labada aqalba fasaxa ay ku jiraan oo ay u fadhiistaan 19 April arrintan si ay xal uga gaadhaan.

Hadii xeerarka la ansixin waayo, wuxu qaadi doonaa tallaabo inta badan aan la qaadin oo ah inuu labada aqalba kala diro.

“Waxa la joogaa goortii aqalka saree baarlamanku garawsan lahaa masuuliyadiisa oo uu ka qayb qaadan lahaa horu marinta qorshaha dhaqaale ee aanu caqabad ku noqon” ayuu yidhi Turnbull.