Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala dalka Belgium

Hargeysa (SLpost)- Ra’iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta u geeriyooday xanuun uu ugu jiray Cisbitaal ku yaala dalka Belgium ilaa bishii July ee sannadkan.
Meles Zenawi oo 57 jir ahaa ayaa xukumayay dalka Itoobiya muddo 20-sano ah isaga oo sannadkii 1991-kii Jabhad uu hoggaaminayaa Awood milatari oo aan dhiig ku daadan kula wareegeen dalkaas, waxaaana xanuunkiisa la dareemay markii uu ka baaqday kulankii Midowga Afrika ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo hoggaamiye cusub loogu doortay wasiirka arrimaha gudaha dalka Koonfur Afrika.
Meles Zenawi ayaa tan iyo bishii July ee sannadkan yaallay Cisbitaal ku yaalla dalka Belgium halkaasoo looga daweynayay xanuun culus. Geeridiisa ayaa timid kadib iyadoo uu afhayeenka dalkaas sheegay saddex toddobaad ka hor in xaaladda caafimaad ee Zenawi ay tahay mid aad u wanaagsan.
Telefishinka Itoobiya ayaa laga sheegay in xilka ra’iisul wasaarenimo ee Itoobiya uu si Ku meel gaadh ah u haynayo ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Hailemariam.
Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya, Bereket Simon ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo cudurka uu u dhintay iyo xilliga uu geeriyooday, isagoo ku gaabsaday inuu geeriyooday oo keliya.

Goor dhow la soco taariikh nololeedkii Meles Zenawi….

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net