Ra’iisal-wasaaraha Canada oo Si Raganimo leh u Qirtay in  Doorashada Lagaga Guulaystay


Toronto(SLpost)- Xisbiga mucaaradka ee Libralka ee dalka Canada ee uu hogaaminaayo Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashooyiinkii guud ee dalkaasi.

 

 

Xisbigan ayaa si weyn oo aqlabiyad ah ugu guuleystay dhanka xeebta badda Atlantic, waxayna u muuqataa in si aqlabiyad ah ay baarlamaanka ugu guuleysanayaan.

 

 

Ra’iisul wasaaraha hadda, Stephen Harper, waxa uu aqbalay in doorashada lagaga guuleystay, si aan shaki iyo cabsi ku jirin ayuuna u qirtay guuldarada.

 

 

Mr Trudeau oo hadda 43 sanno jir ah, sidoo kalena ah wiilka uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore, Pierre Trudeau, waxa uu xilligii ololaha ballan qaaday inuu isbedel la imaanayo.

 

 

Dowladda hadda, ee Mr Harper waxa ay dalkaasi maamuleysay 10 kii sano ee lasoo dhaafay.