“Wasiirkii Aan Taageerayn Aftida Kasii Mid Ahaanshaha Ama Ka Bixitaanka Midawga Yurub Ha Is-casilo” Cameroon

London, (SLpost)- Rai’sal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay inuu dhamaan golaha wasiirada ka sugayo inay ku taageeraan qorshihiisa Midawga Yurub.
david-cameron (1)

David

Cameroon oo ka hadlaya kulanka todobada dal ee uu dhaqaalahoodu horumaray ee loo yaqaano G7 ee ka socda Germany, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu samayn doono isbedello ku filan, laakiin wuxuu tilmaamay in wasiirkii aan taageeraynin uu is-casilo.

Ra’iisal wasaaruhu waxa kale oo uu sheegay inuu aragti furan ka qaadan doono waqti u yeelida aftida ka bixida ama ka sii mid ahaanshaha midawga Yurub.

Arrintani waxay timi, ka dib markii madaxwayne Obama uu ku dhawaaqay inuu doonayo in Ingiriisku ay ka sii mid ahaadaan Midawga Yurub.

Ra’iisal wasaaruhu wuxuu tilmaamay in qofkii doonaya inuu dawladda ka sii mid ahaado in looga baahan yahay in uu qaato aragtidooda ay ku doonayaan in dib loola xaajoodo Midawga Yurub, taasoo ah in afti la qaado, taasina ay horseedi doonto natiijo wax ku ool ah.

Somalilandpost.net