Rag ku eedaysnaa Kufsiga Gabadh yar oo Xukun Dil ah lagu fuliyey

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland, waxaa maanta dil lagu fuliyey 2 nin oo ka mid ahaa Raggii loo xukumay kiiskii dilka iyo kufsiga ahaa ee Caasha Ilyaas Aadan oo bishii February ee 2019 ka dhacay Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa la toogtay saaka sida uu xaqiijiyay aabaha dhalay Caasho ilyaas, waxaanu sheegay in qisaasta ay fushadeen ehelka gabadha.

Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame oo la walaal ah Cabdifitaax ayaa dib loo dhigay arrinkiisa muddo toban Maalmood ah, kaddib codsi ka yimi labada dhinac, sida uu sheegey Ilyaas Aadan (aabbaha Caasha).

Maxkamadaha Puntland ayaa hore saddexda ninba ugu xukumay dil Toogasho ah.