RAFIIQ MA LAHA SIYAASADDU MARKUU REER KA TALINAAYO.

Sacad Qodaal-Joog

Qodaal joogiyo qurba jooguba

Laba weeyi qiraala

 Inay qayb ka yihiin

Qarankan maanta aan joogno

Qormo ay ku kulmeena

Salaan qiimo lahoo

Qosolna ay ku dareen

Qaxwihiina la raacshay  

Waxay soo qadimeen

Kaftan qaayo lahoo

Taladii qarankeeniyo

Quruskooda ku saabsan

Qodaal joog. Waxaa  jiray waa wadaad aad baryada banii aadamka aad u necbaa oo aan dadka waxba waydiisan jirin wadaadkii oo culimo badan la socda ayaa culimadii uu la socday siyaaro loo qaybiyay markaasaa isagana laga reebay wadaadkii baryada necbaa ayaa laabta la soo kacay oo qofkii siyaarada bixinayay ku yidhi waar ha i xadfin oo ha iga reebin .

Qurba joog. Waayadan xikmad ayaa lagaa soo  daayee kumaan fahmin waxaad uga socotana ii faahfaahi.

Qodaal joog. Madax wayne siilaanyo mudada sanadka ah ee xukuumadiisu jirtay waxa uu magacaabay gudiyo badan oo heer qaran ah waxaanan si wayn u saluugsanahay habka xulashada ee uu u soo xusho gudiyada heerka qaran ee uu magacaabo waxaanan leeyahay reer gabiley waxa ay ka dhigan yihiin wadaadkaa baryada necbaa ee hadana diiday in culimadii uu la socday laga reebo wixii la siinayay.

Qurba joog. War waafiya kama haysto gudiyadaasi iyo xubnahaasi uu soo xulay madaxwaynuhu deegaanada ay ka soo jeedaan iyo xisbiyada ay kala taageersanaayeen kolayse adiga war wuu kugu dhanyahee bal ii faah,faaahi .

Qodaal joog. Soomaalidu waxay ku maah,maahdaa mayd waxaa u dambeeyay kaa la sii sido gudiyadii uu madaxwaynuhu magacaabay  waxaa ugu dambeeyay gudidii tacliinta sare iyo gudi,dii diwaangalinta ururada siyaasada kuwaasi oo aan midna lagaga soo darin.

Qurba joog. Rag xurmaa deeqda waxaan u malaynayaa in reer gabiley uu habaar kaga dhacay madaxwaynihii hore ee rayaale ee aadka ugu roonaa iyaguna ay ilduufeen yaase inooga wakiila xukuumada madaxwayne siilaanyo.eecabashadeeda loo sheegtaa.

Qodaal joog. Xukuumada madax,wayne siilaanyo waxaa inooga wakiila wadaadka golaha wakiilada ka mid ah oo hadaanu qaadi jirnay waayo heestii xildhibaan jaamac riyo ee ahaayd (dilaal noo dhuuntayow na dhaaf) amaanta waxaanu qaadnaa (wadaad noo dhuuntayow na dhaaf) sida ka muuqata gabaygan.

Murtidaan rakibay iyo Maansadaan  raarta ula fuulay.

Taladaan ridaynaayo ee rabigu maanka garnsiisay.

Raad raaca xogtaan soo sugiyo raadcadaan galayba

Aniguna ruqsadii abwaanimo ku helay sidii raage oo kale

Rabshadii ceel bardaaliyo maamulkii reero nabadeeyay

Ragii colaadaa damiyay hadii danayste laga raacay

Rafashada wadaadkii golgahu wuxuu godobo ruuq,

Ruuqday  bulshadiiCodkoodii uu rabayna hadaanay ruufka kaga laalin

Rajadiyo hankiisii haday riyo ahaan waydo

Ra,yul caamku siduu sheegayiyo baahiduu rayidku ii sheegtay

Ribashaa ku timid is badalkay filanayeen rukunadiisiiye

Gudiyadan raacba raac ku xigee odaygu raadka ku gadaayo

Inkastoo bulshada wada raaligalin oo reenku xoogaystay

Rafiiq ma laha siyaasadu markuu  reer ka talinaayo

Qalinkii sacad maxamuud (gadhle)  tell 4669910

Emai l.qodaaljoog1@gmail.com