Radio SLpost:“Madaxtooyadani way ka Cir-weyntahay Tii Hore” – Faysal Cali Waraabe oo Eedo Hor leh u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

FAYSAL-NEWONEHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay xukuumaddii ugu musuqa iyo Eexda badneyd Maamulladii kala duwanaa ee isaga dambeeyey talada dalka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ka sheegay mar uu maanta ka hadlayey munaasibad soo-dhawayn ah oo Xisbigiisu magaalada Hargeysa ugu qabtay toban Xildhibaan oo ka mid ah mudaneyaasha goleyaasha deegaanka qaar ka mid ah degmooyinka gobollada Awdal iyo Selal, kuwaas oo ka soo kala baxay Ururradii Siyaasada ee ku hadhay tartankii doorashada Goleyaasha deegaanka ee dabayaaqadii sannadkii hore ka qabsoontay dalka, kuwaas oo midkood ka soo diga-rogtay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

 HOOS ka dhegayso Codka Guddoomiye Faysal

Faysal20130905

 

Somalilandpost.net/Hargeysa